Sarkaal ka tirsanaa Ururka Al-shabaab oo caawa lagu dilay duleedka Muqdisho
January 21, 2012 - Written byMuqdisho:- Diyaarado laga leeyahay dalka Maraykan ayaa waxaa ay gantaal la beegsadeen Sarkaal ka tirsanaa ciidanka ururka Al-shabaab oo ku suganaa Agagaarka Isbitaalka Al-xayaat , Sarkaalkaan ayaa waxaa lagu magacaa baa Bilaal Al Barwaaji waxaan uu u dhashay dalka Lubnaa ,Da,diisana waxaa ay ahayd 30 jir.
Sarkaalkaan ayaa waxaa uu dalka Soomaaliya ku suganaa ilaa iyo intii ay abuurmeen ciidankii Maxkamadaha Islaamiga waxaan uu ahaa nin dhalinyaro ah oo aad h furfurcoon ,Bilaal Al Barwaaji áyaa waxaa uu horay úga badbaaday isku day dil oo ay fuliyeen diyaaradaha maraykanka duleedka magaalada Kismaayo
Afhayeenka ururka Al Shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) oo shir jaraa’id ku qabtay caawa deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho ayaa xaqiijiyey geerida Bilaal Al Barwaaji ,Afhayeenka Al-shabaab ayaa sheegay in ilaa 3 qantaal ay diyaaradaha Maraykanku ay ku dhufteen gaari Pick up oo uu la socday Bilaal Al Barwaaji
Diyaaradaha Ciidanka Maraykan iyo kuwa Faransiiska ayaa weeraro dil ah ka fuliyeen gudaha Soomaaliya waxaan ay weeraro dhowr ah la beegsadeen saraakiil ka tirsan ururka Al-shabaab waxaan weerarada noocaas oo kale ah ay ku dileen Salax Cali Nabhanoo oo ay ku dileen meel u dhow degmada Baraawe.
A/cawaale
Halgan.net