UURDOOX:Qaybtii 4aad: W/Q Shiikh Cabdiraxmaan Shiikh Cumar

January 18, 2012 - Written by

Alloow naga ilaali gefka iyo xumaha, oo noo hag xagga raalli-ahaanshahaaga (aamiin).Xaaladdii Ka Taagnayd Caalamka Islaamka: Waxaan idiin soo tarjumay ararta kitaabkii uu qoray Sh. Maxamad Qudub, oo uu ku sheegay ilbaxnimada Reer Galbeedka (Dimuqraadiyadda) iyo tan Reer Bariga (Shuuciyadda) in ay yihiin jaahilayad halis ah isagoo ku tilmaamay in ay qar iska xoorayaan aadamahana u wadaan meel lagu halaagsami doono.

Haddaad akhrido kitaabka uu qoray Abul-Aclaa Al-moowduudi (allaha u naxariistee) ee layiraahdo ”Annaga iyo Ilbaxnimada Reer Galbeedka”, iyo kitaabka Sh. Abul-Xasan An-Nadwi Dunidu Maxay ku wayday Hoos u Dhacii Muslimiinta, iyo kan kale ee uu u bixiyay “Islaamka aan Dib ugu Noqonno” kutubtaa ma aha kutub fiqi ah ama xadiis ama siiro ah, ee waa kutub la dagaallamaysa duullaan maskaxeedka lagu qabsaday Muslimiinta guud ahaan, iyo gaar ahaan inta wax baratay.

Kutubtani waxay diiradda saarayeen in ilbaxnimada Reer Galbeedka iyo Reer Bariga tahay qalfoof korka laga qurxiyay oo aan mutaysan in iyada darteed loo tuuro Diinteennii toosnayd ee Allah soo dejiyay. Waxa aad ugu soo noqnoqda kutubtaas ”islaamka waa waddo nololeed”. Taas waxa  macnaheedu yahay in meesha laga saaro su’aasha ah (islaamka ma lagu dhaqmi karaa, mise waa diin aan u qalmin in lagu dhaqo Muslimiinta dhaqaalahooda, siyaasaddooda, iyo dhammaan waxa la xidhiidha noloshooda oo dhan?)

Nin kamid ah culimadii dalka Masar oo magaciisa la yiraahdo Sh. Cabdulqaadir Coowdah ayaa qoray kitaab uu u bixiyay “Islaamka oo Dhexyaalla Culimadiisii oo Tabardhigtay iyo Dadkiisii oo aan Aqoon” waana la dilay. Sh. Sayid Qudub waxaa loo daldalay in uu Islaamku yahay waddo nololeed. Xabsiyada dunida Muslimka waxaa laga buuxiyay wixii laga maqlo kalimaddaas. Xabsiga loo yaqaan Durrah ee ku yaalla dalka Masar ayaa waxaa loo soo galay rag fara badan oo ka tirsan Xarakada Ikhaawnul-Muslimiin, markaas ayaa lagu bilbilay rasaas waxaana ku dhintay boqollaal, maydkoodiina cagaf ayaa godwayn loogu qoday waana lagu duugay. Dhacdooyinkaa iyo kuwo la mid ah waxaad ka akhrin kartaa kitaabka la yiraahdo “ikhwaanul-Muslimiin iyo Xabsiyadii Jamaal Cabdinasir”.

Taariikhahaa kooban waxaan uga jeednaa in ay kuu muuqato sida ay ahayd xaaladda waqtigaa ka taagnayd dunida Muslimka, Soomaaliyana waxba kama duwanayn.

Ururkii Islaamiga ahaa ee Al-Ahal & Kacaankii 21-ka Oktoobar:

Waxaan soo sheegnay in mashruuca Islaamiga ah ee Soomaliya loo aasaasay dhaqdhqaaq uu madax ka yahay Sh. Cabdulqaadir Sh. Maxamuud, Sheekhna uu u yahay Sh. Maxamad Macallin Xasan (allaha u naxariistee). Dhaqdhaqaaqa waa “Al-Ahal”, waa magac tilmaamaya in ay dadka ka midka ah dhaqdhaqaaqaa ay qaraabo gaar ah yihiin, dadkana iska xigaan oo Allaah dartii walaalo u yihiin. Dhaqdhaqaaqyada iyo axsaabta waa la mamnuucay markuu Kacaanku curtay kaddib, ciddii lagu ogaadana waa la xidhi jiray, in la dilana waa ay dhici kartaa, sidaa darteed qofka lagu soo darayo dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah ee “Al-Ahal” waxaa la hubin jiray in uu sir-xejis leeyahay oo haddii xattaa la ciqaabo aanu sheegayn xubnaha Ururka.

Dadwaynaha oo dhan waxay taageersanyihiin Kacaanka, sabatoo ah waxay dadku filayeen isbaddal ka saara wixii ay ku jireen oo ahayd qabyaalad, dib u dhac, faqri iyo cudurro, inkastoo la haystay xorriyad lagu cabbiri karo waxaad qabto, barlamaan dhisanyahay, doorasho xor ah ay jirtay. Kacaanku wuxuu ka buuxiyay xabsiyada siyaasiyiintii muuqatay iyo intii laga cabsi qabay in ay wax samayn karaan. Waxaa soo baxay hal-kudhaggii ahaa: ”Ama afkaaga Heeyso Ama Afgooye Aad”, Afgooye oo ahayd jihada la aado marka ragga xabsiga loo taxaabayo. Kacaanku wuxuu soo saaray xaashidii koowaad oo uu ku caddaynayo ujeeddooyinkiisa, iyadoo ay ku sawirantahay Kitaabka Quraanka, koofiya-bireed, iyo qori soodhka u taaganyahay. Waxaa lagu qaaday:

Deellakabiirow,

maa lasoo dayo,

Kuwii digirta xadeen

Suugaantan waxaa loola jeedaa nin wasiir ah oo dowladdii xorriyadda ka tirsanaa ayaa xaday digir loo keenay dad dhibaateeysan oo abaaro ku dhufteen, marka waxaa loo tiriyay hadalkan oo laga dhigay dhammaan dadkii dawladd u shaqaynayay kuwo aan ka xishoon xataa digir in ay xadaan. Waxaa la duugay (aasay) qabiilka oo laga soo dhigay Sanam madoow oo foolxun, iyadoo dad fara badan isugu soo baxeen fagaarahaas.

Wax allaala wixii Kacaanka ka horreeyay wax kasoo qaad malahayn, wax fiicanna kuma jirin, qofkii laga maqlo “waxaa fiicnaa” waa xabsi. Waxaa loo bixiyay doowladdii xorriyadda: Dawaladda Musuqmaasuqa. Waxaa laga sheekeeyaa har iyo habeen xumaantii ay lahayd iyo dalka sida ay u gashay, dadkii u shaqayn jirayna waxaa loo bixiyay: Xaaraan-quutayaal iwm. Waxaad raadiyaha ka maqlaysaa:

Xaaraan-quutayaashii,

Xaqiraayay shacabkee,

Xaabsaday waxeennii,

Kuwii naga xoreeyoow,

Xamdi baan idiin naqaynaa

Xitaa 1-da Luulyo oo ahayd maalinta xorriyadda la qaatay oo si wayn loogu dabaaldagi jiray waa la yareeyay. Dabaaldagga waddanka waxaa lagu soo uruuriyay 21-ka Oktoobar oo ah maalintuu Kacaanku curtay. 1972-kii wuxuu Kacaankii go’aansaday in la qaato wax loo bixiyay: “Hantiwadaagga Cilmiga ku Dhisan” (Scientific Socialism). Soomaaliya waxay xubin buuxda ka noqotay Isbaheeysigii Bariga ee lagu magacaabi jiray Waarso (Warsaw Pact) oo uu madax u ahaa Midowgii Soofiyeeti (Soviet union), hay’adihii Maraykanka iyo Yurubta galbeed ee joogay Soomaaliyana waxaa loo qabtay in ay 48 saacadood waddanka kaga baxaan.

Waxaan xusuustaa in macallimiintii wax noo dhigaysay dusiga dhexe ee Sandhoor Guure ee magaalada Beledwayne in ay si halhaleel ah noogu yimaaddeen iyagoo na macasalaamaynaya noona sheegaya in labada doowladood xiriirkoodii xumaaday; sidaas darteedna ay ku noqonayaan dalkoodii.

Waddanka waxaa ku soo jihaystay fikradda Shuuciyadda oo magaca loo jilciyey si aan looga diidin (Allaahul Mustacaan), dadka Soomaaliyeed ee tiradoodaba tahay lix malyan oo lagu dhex tuuray badwaynta beesha hantiwadaagga maxaad u maleeynaysaa in uu ka soo hari doono?!

Waxaa soo degay Midowgii Soofiyeetka (Soviet Union) oo wata udbahiisii. Waxaa xafiis walba la taliye ka ah nin ka socda Midowga soviet-ka laga billaabo xafiiska madaxwaynaha ilaa kan u hooseeya, waxay macallimiin ka noqdeen dugsiyada sare, jaamacadaha, dugsiyada milatariga iyo meel walba. Maaddada Hantiwadaagga waxay muqarar (qasab) ku tahay qof kasta oo jaamacadda dhiganaya takhasus kasta oo uu baranayo, haddii uu ku dhaco Maaddada Hantiwadaagga ma qalin jabin karo.

 

Waxaa la abuuray ururka dhalinyarada hantiwadaagga oo xambaarsan fikradda hantiwadaagga, waxaa dadkaas qaybahooda kala geddisan loo qaaday waddan-waynaha hantiwadaagga ee Soviet-ka halkaas oo la tusinayo horumarka ay gaareen, kaddibna loogu sheekaynayo in ay horumarkaa gaareen markay diinta ka xoroobeen.

Saxwada (Baraarugga) Islaamka oo curdin ah ayaa waxay gashgay dagaal caqiido oo aan dheelli tirnayn, dagaal u dhexeeya iyaga iyo nidaam dowladeed oo ay gadaal ka riixayso dowladdii caalamka ugu xoogga badneeyd. Waxay dowladdu furtay xabsiyo waawayn oo lagu rido qofkii ka horyimaadda Kacaanka, wiilka yar e hantiwadaaggu madaxmaray wuxuu kari karaa in uu xabsiga ku geeyo saddex bilood oo dedeg ah. Markiiba waxaa la soo saaray xeerka qoyska oo simaya dhaxalka wiilka iyo gabadha. Culimadii ayaa ka hortimid iyagana toban kamid ah ayaa lagu toogtay meel fagaare ah oo la isku soo baxay, kaddibna waxaa la dhigay bannaanbax lagu taageerayo go’aankii dowladda. Waxaa dhacay cabsi aad u badan.

 

Ololaha Afka Soomaaliga iyo Ololaha Quraan Xifdinta iyo Salaad Baridda:

 

1974-kii Kacaankii wuxuu soo saaray go’aan ah in dadka in lagu qaado ololaha ciribtirka akhris-la’aanta iyo qoris-la’aanta. Markii hore waxaa laga billaabay magaalooyinka kaddibna baadiyaha. Xarakada waxaa kasoo baxay go’aan ah in xubnaha Xarakadu soo xifdiyaan Quraanka muddada ay ku maqanyihiin Ololaha, dadkana salaadda soo baraan. Waxaa Ololaha ka qayb qaadanayay warfaafinta, ciidammada, iyo shaqaalaha dowladda. Ololahu wuxuu ka dhacayaa laga bilaabo Raaskambooni ilaa Raascasayr, xubnaha Saxwada waa yaryihiin laakin waxay hayaan niyad, waxaana ku jira caziimad aan xad laheeyn.

 

Waxaan xusuustaa in aan tagey magaalada Buulaburde oo hoos imanaysay gobolka Hiiraan oo aan Xarakada mas’uul uga ahaa, si aan u gaarsiiyo farriintan ardayda degmadaas inta aanay bixin. waxaan tagay galab Khamiis ah, qofna kama aqaan magaalada. Waxaan ku tukaday masjid jaamaca wayn salaaddii maqrib, salaaddii kadib nin yamani ah ayaa foox shiday, shaah iyo qaxwe keenay, kaddibna bilaabay in uu akhriyo Barzanji (kitaab mawliid ah), markuu cisha soo dhawaaday dadkiina soo dhawaadeen ayaan kalimad ka idhi xalqadii. Markii cishaha la tukaday ayaa dhallinyaro ii timid, anna waa kuwaan raadinaayay, waxaan weeydiiyay in ay iskuul dhigtaan, mise intooda badan waa arday Ololaha aadaysa. Waxay ii soo jeediyeen in barri salaadda Jimce kaddib aan hadal ka jeediyo Masjidka,waa markii iigu horreeysay oo aan jamac intaa leeg aan hor istaago. Waxaan istaagay Jimcihii kaddib dadkiina qof ma kicin, waxaan soo qaatay xadiiskii macnihiisu ahaa “saddex ninkii laga helo wuxuu helaa macaanka iimaanka”. Qof dhaqaaqay ma jirin. Kaddib ayaan ardaydii kula kulmay Hotel Camaloow.

 

Waxaan ku boorriyay in ay Quraanka soo xifdiyaan dadkana salaadda iyo diinta soo baraan. Waxaan xusuustaa waxaa nala geeyay annagoo toban ah tuulo la yidhaa Buqkoosaar oo u dhexaysa Beledwayne iyo Ceel-Cali. Dadka markaan far-soomaliga u dhigno galinka hore, galinka dambe ayaan salaadda iyo diinta bari jirnay. Reer-guuraaga qaar ayaa u soo guuray tuulada agagaarkeeda si ay diinta u bartaan. Ardaydii nala socotayna waxaan ku afuufaynay dacwadda… (La soco qaybta 5aad inshaa Allaah)

“Waa kuwaanaa sawirada qayb ka mid ah dhalinyaradii mashruuca Islaamdoonka, hadana ah duqayda mashruuca Islaam doonka.”

no images were found

1-   Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxman (alle ha u naxariisto)

2-   Sh. Cali yusuf

3-   Sh. Maxamud Ciise

4-   Sh. Xuseen Cali Xaaji

5- Dr. Cabdulqadir Maxamed Cabdi iyo Dr. Axmed Xaaji Cabdulqaadir oo dacwada ku ciroobay.

W/Q Shiikh Cabdiraxmaan Shiikh Cumar

10 Comments so far

Leave a comment

  1. Illaahey Haka abaal Mariyo sheekheyaga Sh Abdiraxmaan Miisaankiisana Ha ugu daro Asagoo kalana Hanoo badadiyo . Tani Waxay isku xiraysaa Inta Naga Maqan Intaanan Dhalan Kahor taqriiban Waa 30 sano kahor Rag aan aniga kamid ahay wali Madhalan
    Jazaahullaahu Khayran Wabaarakkaallaahu Fiika

  2. Yaa Ilaahi, dadkaas ayaa dad dhib la raadinayaa. Culamadeenow sabra fa’inna mawcidukumul jannah inshaa Allaah. Ilaahay hanaga kaafiyo sharka daalimiinta, culimadana hanoo xifdiyo cilmigoodana hanagu anfaco,aamiin yaa rabi. Ogaada Ilaahay waa xaqsoore.

  3. Jazaakallahu khayran shaykhayna ilaahay ha idinka xifdiyo wax kastoo shar ah. Waxaan wallaalaha websiteka, ama cidkasoo awooda inay taariikhdaan dhaxal galka ah uroggaan buug, si caruurteena xitaa ay u ogaadaan. Walaayaal isku tax luujiya inaad shuyuukhdeena soo saartaan, waayo shuyuukhda ardaydooda ayaa soo saarto. Plz buug

  4. jazaakalaahu kheeran yaa Sh.C/raxmaan Sh.Cumar.waxaan hubaa inaad ka ogtahay geedi socodka dacwada somalia wax badan warkaagana waxaan uqaadan [leysa Alkhabaru kal mucaayana} ama maah maahdii carbeed eekale { saqadhta calal khabiir}.
    qoraalka sheekhanaa sh.c/raxmaan waxaa laga faaiidaysan cilmi,aqoon,xigmad,daganaan,sibir,af soomaali raaqi ah, adabkii iyo suugaantii somalia waxaa kasiidaran intaa oodhan rajo iyo niyad fiican ayaa kugali.
    waxaan hubaa kuwa maanta xagxagan sh.c/raxmaan iyo ruwaadii dacwada waynan garan haynin, wuxuu galo iyo wuxuu gudo haday dhab ugaran hayaan qalinkooda,gacantooda iyo carabkooduba wuu ka xishoon lahaa.

  5. waa wax lala yaabo,in maanta shiikh c/raxmaann iyo rag la mid ah amaba ka sarreeya xagga taqwada iyo diin fidinta,oo isagu tusaale u yahay la yiraahdo waxba diintan uma qaban.illahay miisaankiisa xasaanaadka ha u saaro if aakhirona allah ha xifdiyo,markhaantii baan allah hortiis ka ahay inuu yahay halyeey islaam iyo ummadba wax taray,waxaan leeyahay shiikh dulqaado kuwa aad ka sheekaysay ee tiirka la taagay waxay raadinayeen oo janno allaah aha ayaad raadinaysaaye ummaddanna waa ku badan yahay culimo la kood iyo mid degdeg allah ku cawreeyey weligoodna waa jireen taariikhduna iyadaa is qoraysa caawa haddii ay taada noqoto waa noo caddahay ruuxa aad tahay.annagana allah noo bari inuu xaqa nagu noleeyo naguna dilo wixii aad na soo gaadhsiiseenna waa aqballay,wixii aad asiibteenna laba ajar ka xisaabsada wixii aad khaladdeenna hal ajar ka xisaabsada,marna maydaan khasaarin shiikh abdirahmaan allah dartii baan kuu jecelahay markii aan akhriyey maqaalkaana jiririco xaadda ayaa i istaagtay.kan dambena ma sugi karo ee ku soo dhakhso.
    wa billahi tawfiiq…………allow culimada noo dhowr oo aannaan ku caasiyin.

  6. Allaahu akbar wallaahi waa cajiib waxaa istaagtay xaadeyda dhab ahaantiina waxaa sababay sawirka dhabta ah ee waayeelkaan dacwada (sh craxmaan sh cumar) naga siiyey qeyb ka mid ah heererkii ay soo martay dacwadaan iyo sidey galabba usoo geed usoo fariisaneysay illaa aan maanta aragno halka ay mareyso, oo qof kastaayi ay gurigiisa ugu gashay xataa kuwii baadiyaha joogay,xaqiqadii waa muuqaal rasmi ah oo ku tusinaya qurbada dhabta ee ay diinta iyo ducaadeedu ku sugnaayeen, bal tasawuro qof la leeyahay mabda,aagaa laguu dili hadii uu diin lug ku leeyahay oo waliba lagaga dhabeeyey oo 10 culimo ah birta laga aslay…wallaahul-mustacaan, sidaas oo ay tahay dhallinyaradaas uu ugu horreeyey sh craxmaan sh cumar goodigaas iyo handadaasi kama aanay hor istaagin in ay goolkoodii dacwada tiigsadaan, waa xaalad cabsi badan runtii oo argagax hareeyey in hortaada lagu toogto rag loo nisbeynayo mabda,diineed, oo haddana aysan haba yaraatee ku baqdin gelin iyadoo dawladda ulajeedadeedu ahayd ” weysha gawrac dibigu ha ku quusqaatee”

    Hase haatee waxaa muuqata in dawladdu ku hungowday cabsigelintaas mar hadii dhallinyaradaas dacwada ee uu hormuudka u ahaa sheekh craxmaan sh cumar ay goaansadeen inay ku socdaan jidkooda yegleelka ah ee ay doonayaan inay ka mira dhaliyaan.

    Sh craxmaan sh cumar ilaahay ha xifdiyee wakhtiga uu ka sheekaynayo waa 37 sano ka hor ee uu noo sheegayo in uu soo qaatey xadiiska tawxiidka macnahiisa oo dhan uu ku fadhiyo ee ah inaan macaanka iimaanka la helaynin illaa lagu sifoobo 3 waxyaabood, maantana wiilal yaryar oo shalay soo rucleeyey oo dacwo iyo wax ay tahay iyo dhadhankeed aan arag ayaa isku dhererinaya culimadaas diinta ku cirrowday ee xataa haysata rasiidyadii kawaadirtii dacwadan illaa maanta..,la yaabse ma lahan oo waa adduun iyo xaalkiisa , waxaan ilaah ka baryayaa in culimadaas acmaashoodii iyo dedaallkoodii ugu oofiyo sida ugu dhameystiran…noona sii wad sh craxmaan taariikhdaas dhadhanka macaan leh ee dhabta ah…

    • jazakalaah. sheekhow arin aad muhiim u ah ayaad wadaa, ilaahay hakaa abaal mariyo. waxaan kaa codsanaynaa inaad ku jamciso buug qoraal ah. waa taariikh dhaxal gal u ah ummada soomaaliyeed inta hadda nool iyo kuwa dhalan doonaba.

      fii amaani laah

  7. العلم رحم بين أهله
    إن أخوة العلم من أعظم الأخوة في الله، فما أعظم هذا الدين، وما أجلّ رسالة رب العالمين، ما أجلّ هذا الدين الذي جمع بين عباد الله المفترقين، ما أعظم الإسلام الذي جعل المسلمين كالجسد الواحد .
    شكر الله أخي الشيخ عبد الرحمن هذا الجهد المبارك ليعطرنا باسلوبه المبارك في اجلاء مقولة العلماء العلم رحم بين أهله .
    عبد الباسط ميلو

  8. Aaad ayaan sheekhanaa abdirahmaan u mahadsantahay runtii waa arin aad iyo aad u fiican in aad nooga sheekayso taariikhdaan dhaxal galka ahi ee aad noo soo guurinayso oo aad adiga aad goobjooga ka ahayd baarakalaahu fiika, runtii saxwada islaamka soomaaliyeeed ee waqtigaan jooga waxa laga maarmaan ah in ay lasocdaan taariikhda iyo saxwadii ka horeesay ee sheekha uu ku dhaxnoolaa sida aad ugu cibra qaadataan mida aad hada ku dhax nooshehiiin , sheekh jazaakalaahu khyrian

  9. waa mahadsansahaay shiikha khayr badanana alaha siiyo waxaan jeclaan lahan qoraaladaan muhiimka ah inbuug loo badalo aan heli karno kuwa aasiya jooga afrika iyo dunida dhanba
    s/c

Leave a comment

*