Wafdi ka socday DFKM oo gaaray magaalada B/weyne ee xarunta gobalka Hiiraan
January 22, 2012 - Written byHiiraan:-Wafdi ka socda DFKM ayaa galabta gaaray magaalada B/weyne ee xarunta gobalka Hiiraan waxaana loogu soo dhoweeyey siweyn wafdiga ayaa waxaa hogaaminayey wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga C/laahi Goodax Barre, wasiirka Tamarta iyo xildhibaano iyo saraakiil ciidan oo dhamaantooda ka soo jeeda gobalka Hiiraan.
Wafdiga ka socda DFKM ayaa waxay markii ay gaareen galabta magaalada B/weyne ay kulamo gaar gaar ha la qaateen waxgaradka iyo maamulada kala duwan ee haatan isku haya talada magaalada B/weyne .
Wafdiga ka socda DFKM ayaa waxaa ay dowlada u xilsaartay in ay maamul loo dhanyahay ay ka sameeyaan magaalada Baladweyne waxaa kale oo wafdiga ay kala hadleen waxagaradaka gobalka sugida amaanka iyo xal u helida khilaafka dadka degan magaalada B/weyne .
Magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa dhawaan waxaa la wareegay ciidamo isku dhaf ah oo ka kala socday DFKM ,Ahlu Suna ,Dooxada Shabeele iyo ciidamo itoobiyaan ah oo taageeraya walow ay haatan isku hayaan cidii magaalada ka talin lahayd.
C/casiis Maxamed
Halgan.net