Wasiirka horumarinta caalamiga ah ee dowlada Ingiriiska Andew Mitchell oo soo gaaray Garoowe
January 30, 2012 - Written byGaroowe:-Wasiirka horumarinta caalamiga ah ee dowlada Ingriiska Andew Mitchell ayaa isaga iyo wafdi la socda ay saaka soo gaareen magaalada Garoowe ee caasimada Dowllada Puntlland, Wasiirka ayaa waxaa garoon ka diyaaradaha ee magaalda Garoowe ku soo dhaweeyey xubno ka tirsan Golaha wasiirada oo ay hor kaca yaan Wasiiru dawlaha iskaaashiga caalamiga ah dowllada Puntland Dr.Cabdiqaadir Cabdi Xaash iyo wasiirka waxbarashada Puntland Dr.Cabdi Faarax Siciid Juxa.
Wasiirka horumarinta caalamiga ah ee dowlada Ingriiska Andew Mitchell ayaa isaga iyo wafdigii la socday waxaa loo galbiyey xarunta Madaxtooyada Puntlland halkaas oo uu ku soo dhaweeyey ku simaha Madaxweynaha Puntlland ahna Madaxweyne ku xigeenka Puntlland Gen.Cabdisamad Cali Shire.
Ku simaha Madaxweynaha dowladda Puntlland ahna Madaxweyne ku xigeenka Puntlland Gen.Cabdisamad Cali Shire ayaa shir kula jira Wasiirka horumarinta caalamiga ah ee dowlada Ingriiska Andew Mitchell iyo wafdigii la socday , ilaa hadda ma jiro masuul ka tirsan Dowllada Puntlland oo saxaafada uga waramay safarka uu maanta ku yimid Wasiirka horumarinta caalamiga ah ee dowlada Ingriiska Andew Mitchell iyo wax uu ku saabsan yahay.
M_M_Deeq
Halgan.net