Xafiiska UNPOS oo saaka laga furayo magaalada Muqdisho
January 24, 2012 - Written byMuqdisho:-Waxaa maanta laga furayaa magaalada Muqdisho xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan siyaasada Soomaaliya UNPOS, Xaflada lagu furayo xafiiska UNPOS ayaa waxaa ay qaban qaabadeedu ka socotaa xerada Xalane oo ah Taliska ugu weyn ee ciidanka shisheeye ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho.
Xaflada lagu furayo Xafiiska Qaramada Midoobay ee UNPOS ayaa waxaa la filayaa in ay ka soo qaybgalaan Madaxda ugu saraysa DFKM iyo Ergeyga gaarka ah ee qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Dr. Augustine Mahiga iyo xubno ka tirsan beesha caalamka.
Ciidanka DFKM iyo kuwa AMISOM ayaa saaka bilaabay howl galo ay ku sugayaan amaanka guud ee xerada Xalane iyo xaafadaha ku xeeran iuagoo aad u adkeeyey dhaqdhaqaaq dadweynaha iyo gaadiidka, Xafiisa UNPOS oo la filayo saaka in lagu fura Muqdisho ayaa noqonaya xafiiskii ugu horeeyey mudo 21 sanno ah oo UNPOS ay ku yeelato dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho.
A/cawaale
Halgan.net