Ciidamada Badda ee Puntland oo gacanta ku dhigay Markab laga leeyahay dalka North Korea
November 18, 2012 - Written byBoosaaso:-Ciidamada Badda ee Puntland ayaa gacanta ku soo dhigey Markab laga leeyahay dalka North Korea kaas oo qashin iyo shamiinto ku daadinayay meel u jirta Dekkada Boosaaso 13 mile waxaana markabkan uu ka yimid magaalada Dubia isaga oo Shamiintada u waday magaalada Muqdisho .
Taliyaha ciidanka Badda ee Puntland Admiral C/risaaq Diiriye.ayaa sheegay in Markabkan laga leeyahay dalka North Korea uuna saarnaa xamuul u badan Shamiinto qoyday ka dib markii uu markabka cilad ay soo wajahaday uu bilaabay in uu ku daadiyo dhamiitada xeebaha Puntland.
Ciidanka Badda ee Puntland (Puntland Maritime Police Force (PMPF) ayaa haatan gacanta ku soo dhigay Markabkan oo mudo isbuuc ku dhow taagnaa Xeebta dhanka bari ee magaalada Bosaaso waxaana haatan la keenay dekkada magaalada Boosaaso.
no images were found
Ciidamada Bada Puntland (PMPF) waxay sheegeen in markabku ay saaraayeen yihiin haatan 1500 oo tan oo shamiito ah waxayna dowlada Puntland cambaareyn u soo jeedisay maraakiibta qasinka ku shuba xeebaha Soomaaliya.
Hoos ka Dhageyso Shirka Jaraa,id ee uu Boosaaso ku qabtay Taliyaha ciidanka Badda ee Puntland Admiral C/risaaq Diiriye.
[audio:https://halgan.net/Mp3/admiral.mp3]
M_M Deeq
Halgan.net