Ciidamada Puntland oo laba qof ku dilay caawa Degmada Dhahar ee xarunta Gobolka Hayland
November 5, 2012 - Written byDhahar:-Wararka caawa naga soo gaaraya magaalada Dhahar ee xarunta gobalka Hayland ayaa sheegaya in ciidamo ku hubeysan laba gaari oo tikniko ah ay caawa isku gadaameen maqaaxi ku taal Degmada Dhahar ee xarunta gobalka Hayland .
Ilaa haatan waxaa howlgalada caawa ay qaadeen ciidanka Puntland ku dhintay laba qof oo kala ah Xasan Ismaaciil Sardheeye oo ah ninka ay ku raad joogeen ciidamada sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah iyo wiil arday ah oo maqaaxida fadhiyey oo magaciisa lagu sheegay Ibraahim Maxamed Faarax.
Ciidanka caawa howlgalkan fuliyey ayaa waxaa hogaaminayey G/sare Cali Daahir Axmed Saalax .Degmada Dhahar ayaa caawa waxaa lagu arkay ciidamo tiro badan kuwaas oo howlgalo ka fuliyey iyaga oo sheegay in ay ku daba jiraan rag lagu tuhunsan yahay in ay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab .
Odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda Degmada Dhahar ayaa aad u dhaleeceeyey howlgalada caawa ay ciidamada Puntland ka fuliyeen Degmada Dhahar waxayna ugu baaqeen madaxada iyo saraakiisha ciidamada horkaceysa in cidii danbi lagu hayo maxkamad la keeno balse aan la iska toogan isaga oo aan danbiga lagu cadeyn.
M_M Deeq
Halgan.net