Ciidanka badda Puntland oo qabtay rag ka tirsan kooxaha burcad badeedka
November 21, 2012 - Written byGaroowe:-Ciidanka badda ee dowllada Puntland ayaa waxaa ay ku soo qabteen ilaa labo nin oo ah buracadbadeed howl galo ay ka sameeyeen saaka tuulada lagu magacaabo Gabac oo ilaa 50 km kaga beegan dhinac waqooyi ee Deg mad Eyl. Taliyaha ciidanka Badda dowllada Puntlland Admiral Cabdirsaaq Guuleed Faarax oo la hadlay saxaafada ayaa waxaa uu sheegay in ciidanka Badda ee Puntlland ay ku guulay steen in ay soo qabtaan 2 nin oo ka mid ah kooxaha Burcadbadeedka ah oo ay ciidanku ku raad joogeen.
Taliyaha ciidanka Badda dowllada Puntlland Admiral Cabdirsaaq Guuleed Faarax ayaa waxaa kale oo uu saxaafada u sheegay in ay ciidanku soo qabteen agab ay isticmaalayaan 2-da nin ee la qabtay waxaan ay ciidanku qabteen labo matoor iyo jaran jarada ay burcad badeedku u adeegsadaan marka ay afduubayaan maraakiibta.
Taliyaha ciidanka Badda dowllada Puntlland Admiral Cabdirsaaq Guuleed Faarax ayaa xusay in ciidanku ay haleen xog ah in niman burcad badeed ah ay ku sugan yihiin Tuulada Gabac sidaas darteen loo diray ciidanka Badda Puntlland oo raggaan soo qabtay mana jirin wax hub ah oo ay wateen markii la soo qabanayey marka laga reebo agab lagu soo qabtay.
Howl galka ay ciidanka Badda Puntlland ay ku soo qabteen burcadbadeedkaan ayaa ku soo beegmaysa ka dib markii Usbuucii hore ay ciidanku qabteen dooni sidda Tahriibayaal oo ku sii jeeday dalka Yemen iyagoo dadkii doonta lahaa lagu xiray Xabsiga Boosaaso.
M_M_Deeq
Halgan.net