Ciidanka Booliska Puntlland ee degmada Goldogob oo howlgal ku qabtay ilaa 3 dhalinyaro ah
November 7, 2012 - Written byGoldogob:-Ciidanka Booliska ee dowlladda Puntland ayaa howl gal ay xalay ka sameeyeen degmada Goldogob ee Gobolka Mudug waxaa ay ku qabteen ilaa 3 dhalinyaro ah oo taliska ciidanka uu sheegay in ay ku tuhunsan yihiin in ay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab , intii ay ciidanku samay nayeen howl galka ayaa waxaa iska horimaad hubaysan uu dhexmaray ilaa 3 dhalinyaro ah iyo ciidanka Booliska waxaan dhaawac uu soo gaaray mid ka mid dhalinyarad iyo askari ka tirsanaa ciidanka howl galka sameeyey.
Taliska ciidanka ee degmada Goldogob ayaa waxaa uu sheegay in ay ku guulaysteen in ay qabteen 3-da dhalinyarad ah iyagoo ku xiray Saldhiga ciidanka Booliska Goldogob, Ciidanka ayaa sheegay in ay ku raad joogaan ilaa 5 kale oo dhalinyaro ah oo ku sugan degmada Goldogob kana yimid Koonfurta dalka Soomaaliya.
Guddoomiyaha degmada Goldogob, Cabdullaahi Yuusuf oo saxaafada la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in howl galka ciidanku uu ahaa mid qor shaysan ka dib markii ciidanka Boolisku ay helleen xog ku saabsan 3-da dhalinyarad ee la xiray oo iyagu ka yimid Koonfurta Soomaaliya.
Guddoomiyaha degmada Goldogob, Cabdullaahi Yuusuf waxaa ayaa ku goodiyey in ay la dagaalami doonaa cid walba oo qorshaynaysa in ay abaabulaan qorshayaal ay wax ugu dhimayaan nabadgelyada Gobolka Mudug gaar ahaan degmada Goldogob.
M_M_Deeq
Halgan.net