Dowllada Puntlland oo warsaxaafadeed ka soo saartay dil xalay ka dhacay degmada Dhahar
November 6, 2012 - Written byDhahar:-Warsaxaafadeed ka soo baxay saaka Wasaaradda amniga ee Dowlladda Puntlland ayaa waxaa ay uga hadleen dil xalay ka dhacay magaalada Dhahar ee xarunta Gobolka Haylaan iyagoo ku xusay warsaxaafadeed kooda in ciidanka amaanka ee Puntlland ay ka war helleen goob uu ku sugnaa Hassan Ismail Sardheye oo ah 34 jir markii ay ciidanku ay hareereeyeen uu ku dagaalmay qori Ak-47 ah oo uu sitay iska horimaad kooban ka dib ayaa waxaa uu sababay geeridiisa isaga iyo qof kale oo rayid ah.
Wasaaradda amniga ee dowlladda Puntlland ayaa waxaa ay ku eedeysay Hassan Ismail Sardheye in uu ahaa masuul ka tirsanaa Ciidanka ururka Al-shabaab oo 2010 kula dagaalamay Buuraha Golis gaar ahaan degaanka GalGala Ciidanka Puntlland, warsaxaafeedka ayaa waxaa lagu sheegay in Hassan Ismail Sardheye uu ka mid ahaa madaxda ururka Al-shabaab ee Buuraha Golis.
Wasaaradda Amniga ee Puntlland ayaa waxaa ay ku sheegeen in Buuraha Golis ay ku jiraan ciidamo ka tirsan Al-shabaab oo ay ku qiyaaseen 50 askari kuwaas oo ka yimid Koonfurta iyo Bartamaha dalka Soomaaliya si ay khal khal u geliyaan nabadgelyada ka jirta degaanada Puntlland.
Halkaan ka akhriso warsaxaafadeedka dowlladda Puntland oo ku qoran luqada Ingriiska
M_M_Deeq
Halgan.net