Cabdiweli Maxamed Cali-Gaas oo Shir Jaraa’id ku qabtay Gaalkacyo .[War-saxaafadeed].
November 6, 2012 - Written byGalkacyo, Soomaaliya 05 November 2012) Waxaaa maanta shir-Jaraa’id ku qabtay hoyga uu ka dagan yahay Magaalada Gaalkacyo Mudane Cabdiweli Maxamed Cali-Gaas oo ahaa Ra’iisul Wasaarihi hore ee Soomaaliya haddana ah Xubin kamid ah Xildhibaanada Federaalka Soomaaliya.
Mudane Cabdiweli Gaas ayaa ilaa 19kii bishii la soo dhaafay safaro ku marayey qaybo ka mid ah Gobolada Puntland isaagoo la soo kulmay qaybaha kala duwan ee Bulshadda Deegaanaddii uu tagay sida Galkacyo, Goldogob, Bursaalax, Xerro Jaale, Bayra, Riig-O-manne, Bacaad weyne, Xarfo, Burtinle, Jallam, Kala-Bayr, Garowe, Sunna-Jiif, Danqoronyo, Qardho, Carmo, Bosaaso, iyo qaarkale.
Mudane Gaas ayaa dhammaan degaanadii uu tagay bulshada ku nool ka waraystay xaaladaha guud sida Amniga, caafimadka, waxbarashada, dhaqaalaha, Dimuqraadiyadda iwm isagoo mid-mid u tagay Isbitaalada, Jaamacadaha, dugsiyada H/dhexe, Sare, iyo xarumaha dadweynaha.
Professor Cabdiweli Gaas ayaa sido kale xog-waraysi siinayey dadweynaya iskugu soo baxayey kana qayb qaadanayey soo dhaweyntiisa isagoo istagayey tuulo-min-magaalo kasta una hoyanayey Magaaloyiinka waaweyn.
Shirkiisa Jaraa’id ayuu Mudane Gaas ku soo jeediyey qodobo kamid ah waxyaalihii uu soo arkay iyo warbixintii ay siiyeen bulsho-weynta reer puntland ee uu kulamada la qaatay isagoo yiri;
- Waxay bulshoweynta aan la kulmay ii sheegen anna aan hubsaday in ay jiraan dhibaatooyin siyaasadeed, dhaqaale, iyo arrimaha bulshada
- Haddan ka hadlo arrimaha siyaasadda, waxay dadweynuhu ii sheegeen in ay jirto xoriyad la’aan iyo cadaadis aysan u suurtagalin in ay si xor ah ku cabiraan fikirkooda siyaasadeed iyo kooda muwadinimo. Waxay dimmuqradiyadu na faraysaa in qofka muwaadinka ah xaq u leeyahay in uu si xor ah u hadli karo, una kulmikaraan, si ay u gutaan xuquuqdooda iyo waajibaadkooda dastuuriga ah. Hase yeeshe, waxay ii sheegen in aysan maanta taas ka jirin Puntland. Saxaafada xortaahina aysan cabsi awgeed uga howlgali karin Puntland aysanna gudbin Karin xaaladda dhabta ah ee ka jirta Puntland.
- Waxay ii sheegen in marar badan ay isku-dayeen in ay samaystaan qadooyin iyo fadhiyo ay kaga tashanayaan aayahooda balse ay cadaadis iyo caburin kala kulmeen maamulka Puntland.
- Waxay kaloo ii sheegen inkasto ay muhiimtahay in laga qudbo nidaamka qabaliga ah loona gudbo nidaamka dimmuqraadiga ah ee xisbiyada badan, haddana in aysan kalsooni ku qabin in xukuumadda jirtaahi ay arrintaasi daacadna ka tahay fulinna karto.
- Waxay kaloo ii sheegen in Gobolladii kumidoobay dhisitaanka Puntland 1998kii ay qaar kamid-ihi aysan gacanta ugu jirin maamulka, qaarkoodna ay samaysteen maamulo u gaar-ah. Waxay kala-furashaadaas Puntland sabab uga dhigayeen maamul xumo iyo aragti la’aanta hogaanka sare ee Puntland.
- Waxay kaloo bulshoweyntaasi katirsanayeen maamulka caddalad daro iyo u sinnaansho la’aan khayraadka Puntland.
- Waxay bulshoweynta Puntland si waafiya u cabireen waxqabad la’aan la xariirta daboolida baahida aasaasiga ah ee arrimaha bulshada (basic social services) sida caafimaadka, waxbarashadda, iyo biyaha. Waxaa kaloo burburay waxna aan laga qaban halbowlayaasha dhaqaale sida wadooyinka, Garoomada duulista, iyo Dekedda. Waxaa markhaati madoonta ah in wadada dheer ee laamiga ah ee isku xirta Bosaaso iyo Galkacyo iyo Dekedda Bossaso ay yihiin hantida kaliya ee laga dhaxlay dawladdi Allaha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre.
- Waxay meelkastoo aan tagno dadweynuhu ku bararugsanayeen in laga shaqeeyo nabadgalyada iyo xasiloonida Puntland dibna la iskugu soo celiyo Gobolladii iyo Beelihii ku bahoobay maamulka Puntland.
- Waxaan meel walba kula soo kulmay shacab u bisil nabad, hogaamin wanaagsan, iyo horumar dhaqaale jiritaanka Puntlandna ay si dhab-ah uga go’antahay.
- Waxay kaloo muujiyeen si cadna u diidanaayeen muddo kororsiga xeeladaysan ee maamulka iyo Baarlamaanka xilligiisu dhammaaday.
Talo soojeedin iyo u nasteexayn dawladda:
- Waxaa ku habboon maamulka iyo baarlamaanka lagu soo doortay laguna dhaariyey in ay ugu adeegaan xilkooda afarta sanno ee labada bilood ka dhimanyihiin in ay tixgaliyaan dhawraanna rabitaanka shacbiga. Waxaan ku baraarujinayaa maamulka iyo baarlamaanka in aysan galin dalka mugdi iyo khalkhal siyaasadeed oo laga maarmikaro. Waxaa mudan in marwalba danta guud laga hormariyo danta iyo maslaxadaha khaaska ah.
Talo soo jeedin ku wajahan isimadda Puntland. Isimadu waa marjaca siyaasadeed ee Puntland waxayna budhige u ahaayen una yihiin aasaaskii iyo jiritaanka Puntland. Sidaa daraadeed, waxaa waajib gaar-ahi ka saaranyahay in ay marwalba dib u eegis iyo qiimayn ku sameeyaan marxalada uu dalku marayo. Waxaan ku talinayaa in ay isugu yimaadan shir deg-deg ah oo ay ku qiimaynayaan marxalada ay Puntland maanta ku jirto si ay u gutaan waajibaadka ka saaran maslaxadda iyo horumarka Puntland. Isimaddu waxay leeyihiin dowr iyo awood dabiici-ah (moral authority) iyo kalsooni shacab ee aysan siyaasiyiintu lahayn. Waa inayna saas u fahman.
Arragti guud:
Waxaa waajib ah in loo qumo maslaxada guud ee Puntland lagana dheeraado waxkasta oo keeni kara khalkhal siyaasadeed. Waxa kaloo waajib ah in la adkeeyo midnimada iyo wadajirka wixii ka haray Puntland lana doono inta maqan si ay ku jirto dabacsanaan, ehelnimo, iyo daacadnimo.
Dadweynaha reer Puntland waxay horseed ka ahaayen nidaam kastoo horseedikaray dimmuqraasiyad iyo rabitaan shacab waxayna ku caanbaxeen samir iyo dulqaad siyaasadeed. Sidaa daraadeed waa in la dhowraa rabitaankooda iyo sharaftooda. Waa in lala fahmaa shacabweynaha Puntland in ay xeerinayaan midnimada, xasiloonida, iyo jiritaanka Puntland. Waa in aan loo qaadan in ay raali ka yihiin sida qaawan ee mararka qaarkood loola dhaqmo.
Mudane Gaas ayaa wuxuu ka hor mariyey warbixintiisa guud in ay jireen aqabado yar yar ee uu kala kulmay safarkiisii balse uu go’aan saday in uusan waxba kasoo qaadayn kagana gaabsaday in uu kudaro warbixintiisa.
Dhamaad
Lifaaqa waa Warbixintii Mudane Cabdiweli Maxamed Cali-Gaas oo Kaamil-ah.
Xassan Farah
Gaalkacyo