Guddoomiye ku xigeenka dhinaca siyaasadda ee gobolka Hiiraan oo caawa la weeraray
November 4, 2012 - Written byHiiraan:-Wararka caawa naga soo gaaray magaalada B/weyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in caawa weerar lagu qaaciyey gurigii uu deganaa Guddoomiye ku xigeenka dhinaca siyaasadda ee gobolka Hiiraan Caddaawe Cilmi gurigaas oo ku yaalay xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne.
Koox Hubeysay ayaa caawa maqribkii weerar ku qaaday guriga Guddoomiye ku xigeenka dhinaca siyaasadda ee gobolka Hiiraan Caddaawe Cilmi waxaana rasaas culus is weydaarsaday ilaalada guriga Guddoomiye ku xigeenka iyo kooxdii weerarka soo qaaday waxaana ku dhaawacmay mid ka mid ah ilaalada Caddaawe Cilmi waxaana lagu dabiibayaa haatan isbitaalka guud ee magaalada B/weyne.
Ciidamo ka tirsan DFS ayaa goobta soo gaaray waxaana ciidamadaas horkacayey guddoomiye ku xigeenka amniga ee magaalada Beledweyne Maxamed Cumar Isaaq waxaana goobta ka baxsaday kooxdii weerarka ku qaaday guriga Caddaawe Cilmi oo ah Guddoomiye ku xigeenka dhinaca siyaasadda ee gobolka Hiiraan.
Ilaa hadda ma jiraan cid si rasmi ah u sheegatay weerarka caawa lagu qaaday guriga uu ka degan yahay magaalada B/weyne Guddoomiye ku xigeenka dhinaca siyaasadda ee gobolka Hiiraan Caddaawe Cilmi
A/Cawale
Halgan.net