Gudoomiyaha Degmada Qandala oo ka hadlay Khasaaro ay geysteen Roobab ka da,ay Qandala.
November 12, 2012 - Written byQandala:-Gudoomiyaha Dagmada Qandala ee gobalka Bari Bare Jaamac Maxamuud Quurshe ayaa waxaa uu ka hadlay roobaba khasaaro gaystay oo ka da’ay Degmada Qandala wuxuuna qeylo dhaan u diray madaxda dowlada Puntland .
Gudoomiyaha Degmada Qandala ayaa wuxuu sheegay in khasaaro geysteen roobabkii ugu dambeeyay ee da’ay Degmada Qandala waxaana uu sheegay in burbur xoogan uu gaaray wadda kaliyah ee isku xirta degmada Qandala iyo Gobalka Bari gaar ahaan magaalada Boosaaso.
Gudoomiyaha Dagmada Qandala ee gobalka Bari ayaa sheegay in haatan ay wadaan dadaal dib loogu dhisayo wadada isku xirta Degmada Qandala iyo gobalka Bari waxaana uu saxaafada u sheegay in dowlada iyo shacabka ay wadaan haatan dadaal dheeri ah.
Degmooyin badan oo ka tirsan gobalka Bari ayaa waxaa ka da’ayey sadex maalmood oo xiriir ah roobab mahiigaan ah kuwaas oo sababay khasaaro kala duwan.
M_M Deeq
Halgan.net