Hay’adda Nabadsugidda ee DFS oo bandhigtay 16 qof oo ay ku sheegtay Alshabaab
November 22, 2012 - Written byHay’adda Nabadsugidda ee DFS ayaa maanta ku soo bandhigtay magaalada Muqdisho dhalinyaro gaareysa ilaa iyo 16 dhalinyaro ah kuwaas oo ay ku sheegtay in ay ka tirsan yihiin Ururka Al-shabaab sida uu warbaahinta u sheegay Taliyaha ciidanka nabad sugidda gobolka Banaadir Col. Khaliif Axmed Ereg. Col. Khaliif Axmed Ereg ayaa sheegay in ka dib markii ay howlgalo ka sameeyeen degmada Huriwaa iyo Yaaqshiid ee gobalka Banaadir ay soo qabteen hub iyo 16 dhalin yaro ah oo sida uu sheegay qorsheynayey in ay weeraro la beegsadaan ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM.
Taliyaha ciidamada nabadsugidda gobolka Banaadir Col. Khaliif Axmed Ereg ayaa sheegay in xogta dhalinyaradan ay ka heleen kooxaha ay ku qabteen deegaanka Cali-turcaaye ee degmada Huriwaa . Col. Khaliif Axmed Ereg ayaa sidoo kale sheegay in howlgaladii ay qaadeen ay ku dileen sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo uu magaciisa uu ku sheegay Cabdinuur Gar-dhuub wuxuuna saxaafada u soo bandhiga dhalinyaraa iyo hub.
Qaar ka mid ah Waalidiinta dhalinyarada ay soo bandhigay maanta Hay’adda Nabadsugidda ee DFS ayaa beeniyey in wiilashooda ay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab waxayna ugu baaqeen madaxada Hay’adda Nabadsugidda ee DFS in caruurtooda loo soo daayo.
C/Casiis Maxamed
Halgan.net