Kulan xalay dhexmaray Wafdiga Madaxweynaha Puntland iyo Odayaasha Qardho
November 24, 2012 - Written byQardho:-Wararka naga soo gaaray xalay Magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar ayaa sheegay in wafdi uu hogaaminayey Madax weynaha Puntland Dr Cabdiraxmaan Faroole ay kulan gaar ah la yeesheen Odayaasha , Nabadoonada iyo waxgaradka degmada Qardho.
Kulanka xalay ayaa waxaa sidoo kale ka soo qayb galay Wasiiro ay ka mid yihiin Wasiirka amniga dowlada Puntlland Col. Khaliif Ciise Mudan, Wasiirka deegaanka Cabdiqani Yuusuf Cadde ,Wasiiru dowllaha dhinac sharciga ee Puntlland Gen .Yuusuf axmed Kheyr, Wasiirul Dowllaha Dekkadaha Cabdi qani Salaad, madaxda maamulka degmada Qardho, Saraakiil ciidan iyo waxgarad kale.
Kulan xalay ayaa waxaa warbixin looga dhagaystay Maamulka Degmada Qardho iyo taliyaasha ciidanka ee magaalada waxaan warbixnta iyo waraysi ka dib ay odayaasha iyo wafdiga wasiirada ee la socday madaxweynaha Puntland ay si toos ah uga wada hadleen xaalada magaalada iyo wax qabadka ay u baahan tahay in laga hirgaliyo Degmada Qardho odayaasha ayaa cabasho u gudbiyey Madaxweynaha Puntland.
Madaxweynaha dowlada Puntland Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in safarkiisu uu ahaa in uu wax ka ogaado xaalada magaalada Qardho dhinac amaanka , iyo xagga horumarka waxaa uuna madaxweynuhu iyo wafdiguusu ay ku doodeen in magaalada Qardho ay wax la wadaagto magaalooyinka kale ee Puntland.
Ilo wareed ku sugan magaalada Qardho oo Halgan.net la xiriirtay ayaa u xaqiijiyey kulanku dhacay xalay waxaan ay noo sheegeen in dood ugu badan ee kulanku uu ahaa mudo korarsiga ay dowlada Puntlland ay samaystay, balan qaadyo ay dowladda Puntland ay horay u samaysay in ay ka fulinayso magaalada.
Wafdiga Madaxweynaha Puntlland ayaa waxaa ay sheegeen in arrinka mudo korarsigu uu yahay mid dastuuri ah oo dhamaan odyaashu ay goob joog ka ahaayeen waxna ka ansixiyeen Dastuurkii Puntland balse aysan iyagu ka dowllad ahaan aysan cida afuubaynin loona baahan yahay in la ilaaliyo nabad gelyadda ka jirta degaanada Puntlland .
Odayaasha , Nabadoonada iyo waxgaradka degmada Qardho ayaa u sheegay Madaxweynaha in ay ka xun yihiin dhaqaaqadii shalay ka dhacaday Qardho waxayna ku eedeeyeen ciidanka in ay rasaas dadweynihii la beegsadeen taas oo uu ka hadlay wasiirka amniga ee Puntland isaga oo eeda dusha ka saaray siyaasiyiin reer Qardhood ah madaxweynaha ayaa odayaasha uga tacsiyeeyey wixii ka dhacay Qardho .
Odayaasha , Nabadoonada iyo waxgaradka degmada Qardho iyo Madaxweynaha ayaa saaka mar kale kulan wada qaadan doona waxaana la filayaa in Madaxweynuhu kormeer ku sameeyo goobo laga fulin rabo mashaariic kala duwan.
M_M_Deeq
Halgan.net