Maamulka Gobalka Hiiraan oo xabsiga dhigay wariyeyaal ka howlgalaye B/weyne
November 1, 2012 - Written byHiiraan:-Wararka naga soo gaaraya magaalada B/weyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in Maamulka gobalka Hiiraan uu saaka xabsiga dhigay koox wariyeyaal ah oo ka howlg gali jiray gudaha Degmada B/weyne.
Maamulka Gobalka Hiiraan ayaa ku eedeeyey wariyeyaasha la xiray in ay si qaldan iyo masawiro u soo tabiyeen qaabkii loo dilay taliyihii ciidamada DFS ee magaalada B/weyne Maxamed Maxamuud Muumin Ildhigte
Wariyeyaasha xabsiga la dhigay ayaa waxaa ka mid ah .
1-Wariye Ibraahin Baashaal oo ka tirsanaa Tv-ga Horn Cable.
2-Wariye Ciise Cabdi oo ka tirsanaa TV-ga Universal
3-Wariye C/risaaq Alcadaala oo ka tirsanaa TV-ga Royal TV
Dhamaan wariyeyaasha kor ku xusan ayaa la dhigay xabsi ku yaal magaalada B/weyne ee xarunta gobalka Hiiraan waxaana haatan socda dadaalo lagu sii deynayo.
A/Cawale
Halgan.net