Madaxweyne Xassan Sheekh oo soo dhaweeyey Ansixinta Golaha Xukuumadda
November 13, 2012 - Written byMogadishu:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Xasan Sh.Maxamuud ayaa soo dhoweyey taallaabdii maanta Golaha Baarlamaanku ku ansixiyey Xukuumadda cusub ee uu soo dhisay Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shir doon.Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa aad uga mahad-naqay Baarlamaanka sida ay codka kalsoonida u siiyeen Xukuumada cusub “Tani waxay muujineysaa kalsoonida ay nagu qabaan Baarlmaanka sharafta leh iyo Shacabka ay matalaan, waana ku kalsoonaa oo waan ka filaynay sidan iyo si ka wanaagsan” ayuu yiri Madaxweynuhu.
Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay Xubnaha Cusub ee Golaha Wasiiradda ee maanta la ansixiyey inay si deg deg ah howlahii loo igmaday uga shaqa galaan. Ugu dambeyntii Madaxweynaha wuxuu ka codsaday Baar lamaanka iyo Shacabka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan Xukuumadda cusub “ Shaqsiyaadkaasi masuuliyadda loo dhiibay maaha in howshu qaran faraha looga qaado , dhammaan sida aan u dhan-nahay waa in aan la shaqeynaa, ayuu yiri Madaxweynahuhu.
– Dhamaad –
Xafiiska Warfaafinta
Madaxtooyada
Moqdishu,Somalia,