Maxkamada darajada koowaad ee magaalada Boosaaso oo xukun ku riday Eedeysanayaal
November 11, 2012 - Written byBoosaaso:-Maxkamada darajada koowaad ee magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ayaa xukun kala duwan ku riday eedeysanayaal loo soo qabtay in ay ka ganacsanayeen maandooriyeyaal iyo kuwa kale oo ahaa tuugo taleefanada gacanta ka furta habeenkii shacabka ku dhaqan Boosaaso.
Maxkamada darajada koowaad ayaa waxay soo bandhigtay Khamri tiro badan iyo Bastoolado waxayna eedeysanayaashu qirteen dhamaan eedeynta ay maxkamada u soo jeedisay.
Gudoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee magaalada Boosaaso Sheekh Aadan Cabdi Axmed ayaa markii uu dhagaystay eedaynta xeer ilaalinta kadib ku dhawaaqay xukumada eedaysanayaasha wuxaana lagu riday lix ka mid ah eedeysanayaasha sedex sano oo xarig ah iyo ganaax dhan shan boqol oo doolar .
Maxkamadda ayaa sidoo kale waxay xukun ku riday dhalinyaro tuugo ah oo taleefanada gacanta dadka ka dhaca waxaana lagu xukumay laba sano oo xarig ah.
M_M Deeq
Halgan.net