Ra’iisul wasaaraha JFS oo la filayo in galabta ku dhawaaqo golihiisa wasiirada
November 4, 2012 - Written byMuqdisho:-Ra’iisul wasaaraha JFS Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ayaa lagu wadaa in uu galabta ku dhawaaqo golaha wasiirada ee DFS sida ilo wareed ku sugan Villa Soomaaliya aan ka soo xiganay .Raisulwasaaraha DFS ayaa waxaa lagu wadaa in wasiirada xukuumadiisa ay ka koobnaan doonto 10 wasiir .
Raisulwasaaraha JFS Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ayaa dhowr mar dib u dhigay in uu ku dhawaaqo golihiisa wasiirada waxaana taas ugu wacan isaga oo tashiyo badan la sameynayey Madaxweynaha DFS iyo Gudoomiyaha baarlamaanka .Saxaafada Soomaaliya ayaa dhowr mar shaacisay in uu jiro khilaaf soo kala dhex galay madaxda sare ee DFS balse warkaas ma ah mid sal iyo raad leh sida aan ka ogaanay ilo ku dhow xafiiska Raisulwasaare Saacid.
Wixii war ah ee soo kordha kala soco Halgan.net
A/Cawale
Halgan.net