Taariikhada maalinta tobnaad ee Caashuraa, Fadligeeda muxaram iyo arimo la xiriira
November 24, 2012 - Written byAsalaamu Calaykum Waraxmatulaahi Wabarakaatuhu Bislaahi Raxmaani Raxiim ::: 1434 Walaalayaal marka hore Ilaahay baa mahad dhamaanteed usugnaatay subxaanahu watacaalaa,Nabi Maxamedna nabadgalyo iyo naxariis korkiisa ha ahaato.
Walaal waxaan idiin rajaynayaa sanadkaan cusub oo inoo dhashay inuu ilaahay nawaafajiyo khayr dhamaantiin waxaan ku jiraa Muxaram[sako]oo u horaysa taariikhda bilaha hijriyada ama taariikhda bilaha isalaamka 1434.
Walaalayaal waxaa nagala doonayaa inaan isxisaabino intaan nala xisaabin oo sanadkan cusub aan nafteena waydiino sanadkii hore maqasaarnay mise waa faa’iidnay,sida ay u xisaabtamaan ganacsatada ama ay xisaab xir u sameeyaan sanad walba dhamaadkiisa ayna uga leexdaan waxaan faa’iido ugu jirin ama ay ku khasaareen sanadkii hore.
walaal ilaahay dhaafidiisa iyo naxariistiisa ayaa ka wayn danbi kasta oo lagalo,ilaahayna waa mid aad u dulqaad badan jecelna adoonkiisa toobad keenka ah, hadaba walaal sanadkaan cusub furo bog cusub oo aad ilaahay ugu dhawaanayso kuna tirtiraso waxii kaa dhacay ee gaf ah.
Waxaan hadda kujirnaa bishii 1aad ee Sannadka Hijriyada, maalmaha 9ka & 10ka Muxaram waxay ku beegan yihiin Nov 23 & 24 , marka ka faa iidayso oo soon labada maalmood fursadaas qaaliga ah.
Intaa kadib walaalayaal inagoo kaduulayna ilaahay qur’aan kiisa sw uu ku yiri [isu kaal maysta wanaaga iyo cabsida alle] iyo hadiiskii Nabiga scw oo ahaa [qofkii qof khayr tusa waxuu leeyahay ajarka kan khayrka uu tusay oo kale labadoodna waxba lagama yaraynayo] iyo hadiiskii kale oo Nabigu kulahaa scw[qofkiina iimaan dhaba malahan ilaa uu walaalkiis lajeclaado waxa uu naftiisa lajecelyahay] axaadiistaasna waa saxiix.
Walaalayaal anigoo ka shidaal qaadaanaya nasuustaas sharafta badan ayaa waxaan is tusay inaan idiin soo gudbiyo xoogaa baraarujin ah oo ku saabsan bishaan aan ku jiro.
Fadliga Bisha Muxaram
Walaalayaal bishaan aan kujiro ee Muxaram [Sako] waa bilwayn oo barakaysan kuna jirta afarta bilood oo xurmada leh sida ilaahay ku sheegay kitaabkiisa sharafta bada[bilaha tiradooda ilaahay agtiisa waa labo iyo tobon ilaaahay kitaabkiisa dhexdiisa saas bay ku tahay ilaa maalintii la abuuray cirarka iyo dhulka waxaa kamid ah afar xurmo leh taas waa diintii toosnayd hadulminina bilahaas dhexdooda naftiina]Waxuu leeyahay C/laahi Ibnu Cabaas ilaahay ha karali noqdee oo fasiraya aayadaas siiba [hadulmina naftiina] bilohoo dhan ha isdulmina hadana waxaa gooni ilaahay u xusay afarta bilood oo sharata leh danbiga lagalaana waa ka wayn yahay kanlagalo bilaha kale wanaaga la sameeyaana waa ka ajar wayn yahay kan bilaha kale lasameeyo.
Walaalayaal waxaa kaloo Nabigu scw noo sheegay xadiis uu kawarinayo Abuu bakar ilaahay ha ka rali noqdee [sanadku waa 12 bilood waxaa kamid ah afar xurmo leh sadex waa isku xigtaa Sidataal, Arafo, Sako iyo rajab oo u dhaxaysa Jamaad iyo Shacbaan] xadiiskuna waa Bukhaari.
Xukunka bishaan soonkeeda
Walaalayaal bishaan soon keedu waa sune majiro soon wajib ah oo aan ahayn bisha Ramadaan markii hore Nabigu scw waa ku adkeeyey saxaabada laakiin markii lawaajibiyey Ramadaan ayuu yiri Nabigu scw [Qofkii doonana ha soomo kii doonana ha iska daayo]rawaahu bukhaari laakin waxaa ku jira ajar wayn oo aan la iska dayn Karin sida aan arki doonaba taariikhdeedana wax baan ka sheegaynaa insha alaah.
Ajarka in soonka labadiyo bishaan Muxaram
Waxuu Abuu Hurayra ka wariyey Nabiga scw inuu yiri [waxaa soon ugu ajarbadan Ramadaan kadib bisha ilaahay ee Muxaram]rawaahu muslim.
Walaalayaal sidaan ujeedno bishaan ilaahay baa isu tiiriyey isu tiirintuna waxay keentaa waynayn waayo bilaha oo dhan ilaahay baa leh hadana tan Nabigu scw waxuu leeyahay [bisha ilaahay ee muxaram] marka waa wayneen xag ilaahay laga waynaynayo anagana waxay naga mudantahay waynayn iyo soo dhowayn.
Taariikhada maalinta tobnaad ee Caashuraa
Ibnu Cabaas waxuu yiri ilaahay ha karaali noqdee [Nabiga scw ayaa Madiina soo galay markaasbuu arkay Yahuuda oo soo maysa maalinta tobnaad”markaas buu yiri maxaad u soomaysaan? markaas ayey yiraahdeen waa maalintii Saalix, waana maalintii reer baniiIsraa’iil ilaahay ka badbaadiyey cadowgoodii waxaana soomay Nabi Muuse cs, markaasbuu yiri Nabigu scw [anaa Muuse idinka xaqleh] waana soomay waana amray in lasoomo]rawaahu Bukhaari.
Hadiis kale oo Muslim warinayo waxuu yiri Nabigu scw[tani wa maalin wayn ilaahay waxuu badbaadiyey Nabi Muuse cs waxuuna halaagay Fircoon iyo qoomkiisii saas baa Nabi Muuse usoomay isagoo ilaahay mahadinaya saas baan u soonay]
Walaalayaal soonka maalinta tobanaad waxuu ahaa mid macruuf ah carab dhexdeeda intaan la soo saarin Nabiga scw Caa’isha waxaa lagawariyey ilaahay ha ka raali noqdee xiligii jaahiliyada waa soomijireen “waa islaamika ka hor” waxuu yiri Imaamu Qurdubi waxaa dhicikarta in quraysh ka soo gaareen shariyadii hore sida Nabi Ibraahiim cs .
Waxaa kaloo sugan in Nabigu scw uu soomi jiray intuusan u hijroon Madiina markuu Madiina tagay ayuu waxuu arkay yahuud oo dabaal dagaysa markaas buu waydiiyey sababta waxayna sheegeen xadiis kaan kor ku soomaray kadibana waxuu yiri Nabigu scw hadiis abuu Muusaa kawariyey ilaahay ha ka raali noqdee [maalinta tobnaad waxay noqotay mid yahuud ciid ka dhigtaan- riwaayo kale-maalinta tobnaad waxaynoqotay mid yahuud waynayso oo ciid kadhigtaan dumarkoodana ay u labisaan dahabkooda ayna qurxiyaan, waxuu yiri Nabigu scw [idinku sooma]rawaahu bukhaari.
Walaalayaal saan arkayno maalintaa waa maalin cidkasta iyo marwalba la waynayn jiray sida aan arkayno marka inagaa kamudan cid walba sida uu noo sheegay Nabigeenu scw waxaa iyana haboon inaan yahuud nacalad ha ku dhacdee raacin oo aynaan ku waynayn maalinkaan isaga ah soon waxaan ahayn sidaan ka arkayno nasuusta waayo ciid ma’ahan, xafladna looma baahna waa soon oo kaliya cibaadana waxaa ugu saxsan ale agtiiga tii Nabigiisu jideeyey iyadaana ugu fadli badan hadii kale bidco ayey noqonaysaa waana lagu naar tagaa bidcada ee aan ku kaaftoono nabigeenu waxuu noo jideeyey camalkoo dhan.
Fadliga Maalinta Tobnaad
Ibnu Cabaas waxaa laga wariyey ilaahay ha karaali noqdee [ma’arag Nabiga scw oo ku dadaalaya maalin soonkeed kafadli badan maalintaan tobnaad] rawaahu bukhaari.
Waxuu yiri Nabigu scw [maalinta tobnaad soonkeeda anigu waxaan xisaabsanayaa ilaahay agtiisa inuu iigu dhaafo-danbigayga- sanadii ka horaysay ee lasoo dhaafay].
Walaal taasi waa ilaaahay fadligiis uu korkeena ku manaystay halmaalin soon keed oo laguugu dhaafi halsano oo dhan alaahu akbar.
Sunanimada in la isla sooma maalinta sagaalaad iyo maalinta tobnaad ee bishaan
Waxaa laga wariyey C/laahi Ibnu Cabaas ilaahay ha ka raali noqdee [markii uu sooomay Nabigu scw maalinta tobnaad oo uu amray soonkeeda- waxay yiraahdee saxaabadu rasuulkii ilaahay waa maalin ay waynayso yahuud iyo nasaaroba-waxuu yiri Nabigu scw [hadii lagaaro sanadka soo socda insha alaah waxaan soomi doonaa maalinta sagaalaad] C/laahi Ibnu cabaas waxuu yiri sanadkii Nabigu scw magaarin oo ilaahay baa oofsaday.
Waxaa kaloo wanaagsan in lasoomo maalin kahor ama kadib maalinta tobnaad sida uu wariyey imaamu Axmed waxuu yiri Nabigu scw[sooma maalin kahor ama maalin kadib]arintaas oo lagu khilaafayo cadowga ilaahay ee yahuud iyo nasaaro.
. FADLIGA BISHA MUXARRAM IYO SOONKA MAALINTA CAASHUURAA . MA KU FARAX GALINEYSAA IN LAGUU DHAAFO DANBIGAADA SANNADKII TAGEY
Dhaqanka wanaagsan ee Islaamka ina farayo
MAOGTAHAY…. GUJI halkan
Waxuu yiri Imaamu Shaafici iyo asxaabtiisii, Imaamu axmed,Isxaaq iyo kuwo kaleba waxaa suna ah soonka maalinta sagaalaad iyo tobnaadba maxaa yeelay Nabigu scw tobnaad wuu soomay sagaalaadna waa niyeystay,iyadoo halkaa laga qiyaas qaadanayo maalinta tobnaad waa dhowr maraatib waxaa ugu fadli hooseeya in kaligeed la soomo waxaana ugu fadlibadan in lasoo soomo sagaalaad iyo tobnaadba markastoo soonku bato bishaan dhexdeedana ka ajar badan kana sii wanaag badan.
Walaalayaal hadaan ogaanay waxaas oo khayr ah waxaan u dardaarmayaa naftayda iyo tiinba cabsida ilaahay iyo noolaynta sunda Nabigeeena scw iyo inaan ka faa iidaysano fursad badan oo aan manta haysano laakiin bari ilaahay garan sida xaal noqon waxaan ilaahay kabaryayaa inuu idinkana idinku anfoco anigana iigu kabo miisaanka xasanaadkayga maalinta lawada qaawanyahay iyo in ilaahay janadiisa nagu manaysto naarna naga bad baadiyo inagoo dhan.
Jadwalka Taariikhda Islaamka
Taariikhda sannadka Islaamku waxaa lagu tiriyaa bisha (ama dayaxa). Waxaana uu ka koobanyahay 12 bilood kuwaas oo bilwalba tiradeedu ay ku xirantahay dhalashada bisha. Badanaana sannadka islaamku wuxuu noqdaa 12 x 29.53=354.36 maalmood. Taas oo kadhigeysa sanndka Islaamka mid 11 maalmood katiroyar sannadka miiladiga ama taariikhda looyaqaan “Gregorian”.
Sannaadka Islaamka waxaa sal u ah Aayadda Quraanka ee suurada “Al-Tawbah” ee macneheedu yahay “Tirada bilaha Eebe waa Laba iyo Toban kitaabka Eebe dhexdiisa tan iyo maalintuu abuuray samooyinka iyo dhulka, waxaana kamid ah afar xurmo (gaar) ah leh….” [9:36].
BILAHA SANNADKA ISLAAMKA
1. Muxarram 7. Rajab 2. Safar 8. Shacban 3. Rabi’c al-awwal 9. Ramadan 4. Rabi’c al-thani 10. Shawwal 5. Jumada al-awwal 11. Dhu al-Qic’dah 6. Jumada al-thani 12. Dhu al-Hijjah
Bilaha Islaamku waxay bilaabmaan marka bishu soo baxdo, taas oo ah in la arko bisha. [Eeg bogga muujinaya khariida bisha].
Xisaab ahaan bilaha Islaamka waxaa lagu qiyaasaa in ay kudhamaadaan 30 ama 29 maalmood.
Sannadka Islaamka oo loo yaqaan Hijra waxa uu bilaabmay markii Nebi Muxammad (scw) uu ka haajirey Maka oo u haajirey Madiina, taas oo ku beegnayd sannadkii 622 ee miilaadiga , qiyaastii [16 July C.E. 622].
Ma rabtaa in aad tirada carabiga u bedeshid Roomaan, ama tirada Roomaanka u bedeshid Carabi, Guji halkan
Xasan Dhooye
[abu xafso] dhooye@hotmail.com