UUR DOOX Qaybta 8-aad Mashruuca Islaamiga ee Soomaaliya

November 17, 2012 - Written by

Marxaladdii Manaahijta: 1978 wixii ka dambeeyay waxaa la galay marxaladda manaahijta oo qof waliba uu la shaqeeyo dadka ay isku aragtida yihiin dhinaca dacwada, taasoo dhammaan ah ijtihaad ay u arkaan in uu yahay sida ugu wanaagsan ee loo soo celin karo ku dhaqanka shareecada islaamka. Marka la leeyahay manhaj waxaa loo jeedaa sida ugu toosnaasho badan uguna dhow kitaabka iyo sunnada oo loogu soo celin karo shucuubta muslimiinta ku dhaqanka diintooda oo sida aan hore u soo sheegay dagaal aad u culus lagu qaaday si looga tirtiro diinta ummadda muslimiinta, xusuusnoow hadalkii Zuwemmar uu yiri kontomeeyadii “Islam is a dying religion” islaamku waa diin sii dhimanaysa.

Shucuubta muslimiinta waxay u qeeybsanyihiin dad u arkaya in aan waxba naga hallaysnayn oo diintii ay dhaqan gashantahay sidaan in lagu socdana lagu gaarayo horumar,in badan oo aan ku baraarugsanayn waxa jira oo noloshooda iska raacda,iyo in yar oo u jeedda meesha loo socda iyo qorshaha gaalada, doonayana in lasoo celiyo islaamka kuwaas oo tiradoodu yartahay.

Xarakada Islaax waxay qaateen manhajka ikhwaa nul muslimiin ee dowliga ah,ittixaad al-islaami oo uu madax u ahaa sh. Cali Warsame waxay qaateen manhajka salafiga ah, dhaqdhaqaaqa aala-sheikh waxay qaateen manhajka ikhwaanka oo aan ahayn kan dowliga iyagoo uu sheikh u ahaa sh. Maxamad macallin allaha u raxmadee, dhaqdhaqaaqa tabliiqa oo soo billaawday kala go’ii India iyo Paakistaan, Soomaaliyana uu madax uga noqday Sh. Shariif sharafoow allaha u raxmadee waxay wateen manhajkooda gaarsiinta dacwada iyagoo ah dhaqdhaqaaq aad u isugu xirnaa.

Waxaa intaa weheliyey culimo xalqooyin wax ku akhriya oo soo saara dad ka dhaxla cilmiga waligoodna ka jiri jiray meelkasta oo iyaga aan ku xirneeyn dhaqdhaqaaq islaami sida aan horay u soo sheegay. Sidoo kale waxaa jiray xarumo ay leeyihiin dariiqooyinka suufiyada ee kala geddisan oo inta badan ku wajahan tarbiyada ruuxiga ah iyo siyaarooyinka quubuuraha owliyada, sida xarunta Sh. Nuur xusseen ee ku tiillay baladulkariim oo ku dhow jilib, Aw barkhadle oo ku tiil Hargaysa meel u dhow,Ruun sheelo Gaalkacyo,Rabiiciyada Garowe, Sh. Murjaan, Sh.Aways biyooleey, Sh. Abdullahi Baardheere oo kuyaalay Luuq, xarumaha qaadiriyada, axmadiyada, saalixiyada oo ku lahaa magaalo kasta xarun ama wakiil, iyaga dhexdoodana uu ka dhexeeyay dagaal culus, sida qaadiriyada dhihi jirtay “boqol gaal in la dilo waxaa ka ajar badan hal nin oo saalixiyo ah oo la dilo”,sababtoo ah daraawiishtii oo dariiqada saalixiyada ahaa ayaa dilay Sh.Aways alqaadiri, kuna dilay halka loo yaqaan biyooley oo ku taal magaalada Tiyeeglow. Waxaan dadkoo dhan u sheegayaa waa cadaalad in la sheego qofka wixii khayr ah oo uu leeyahay, waxaan laga yaabaa hadal uu yidhi Sh. Islam Ibnu Taymiyah oo macnihiisu ahaa dhibka wuxuu kayimaadaa in aan la sheegin qofka waxa khayrka ah ee uu leeyahay.

Mashruuca islaamka ee soomaliya waxaan ka warrami doonaa inta aan ogahay gaar ahaan dhaqdhaqaaqa salafiga ah oo aan horay usoo sheegay in aan ku biiray,anigoo aan ka tagayn dhaqdhaqaaqyada kale inta aan ka ogahay.

Waxaa loo kala baxay manaahij, xarakada ittixaadka islaamka xagga tandiimka waa sidii hore. Madaxa xarakada-ku xigeen-golaha shuurada-gobollada-shucbooyinka-iyo usrooyinka-fardiga.Waxaa manhajkeenna lagu qeexay isagoo la qoray (kitaabka iyo sunnada sida ay u fahmeen salafkii suubanaa iyo in laga faaiidaysto dhaxalka islaamka kii hore iyo kii dambe).Nidaamka waxaa loo arkayay in uu yahay khibradihii laga dhaxlay muslimiinta gaar ahaan dhaqdhaqaaqa ikhwaanulmuslimiin ee dalka Masar,jamaacal islaamiya ee Pakistan iwm.

Waxaa jaamacadaha ka buuxa xubnihii xarakada oo indhaha ku kala qaaday manaahijta,firqooyinka soo maray dunida muslimka, raadadka ay ku reebeen dunida muslimka annaga maxaa qallooc ah oo nagu jiro, waxaan ku xirannay kutubta iyo culimada manhajka salafka ugu waawayn sida Sheikh Mohamed Naasiruddiin Al-Albaani,Ibnu-baaz allaha u raxmadee.

1979 anigoo madax u ah layli saraakiishii xarakada kaga jirtay kulliyadda dagaalka, ayaan suudan u soo baxay galab khamiis ah oo ardada la fasaxo si ay u soo noqdaan galabta jimcaha ah, inteenna wadaadada ah waxaan isla degi jirnay hal hotel,waxaanna soo gadan jirnay wixii cusub ee kutub ama joornaal cusub ah kuna saabsan dhaqdhaqaayada islaamka sida majallada almujtamac, aldacwah oo ay soo saaraan dhaqdhaqaaqa ikhwaanul muslimiin allaha ka abaalmariyo raga wax ku qori jiray aad ayey noo anfaceen. Anoo marayo maxadada dhexe ee khartuum,masjid jaamaca wayn ee Khartuum wadaad wacdinayo oo lagu hareeraysanyahay, safkii ayaan dhinac ka galay, wuxuu ka hadlayaa sida loo duugo maydka iyo bidcooyinka lagusoo daray,iyo dadka waxa ay sameeyaan,waxaa aad iisoo jiitay ,waxkasta oo aan samaynayno waa in quraanka lagaa helaa ama xadiiska ama hadalkii salafka saxaabada,taabiciin,taabicutaabiciin imaamyadii haddii kale waa baadil, markaasuu su’aal kastoo la weeydiiyo wuxuu keenaa daliil ama athar,wuxuu ahaa sheikh ka tirsan Ansaru sunnah reer suudaan.

Waxaan isweeydiiyay sidee suurtagal u tahay in loo helo waxkasta daliil khaasatan casriga aan marayno.Waxaa laga yaabaa in aad akhriso kitaab fikri ah oo uu qoray nin islaami ah oo aadan ka helin hal aayad iyo hal xadiis, waxaan jecleeystay sheikhaas hadalkiisa waana usoo qasdi jiray in aan dhagaysto.

1983 wixii ka dambeeyay xarakada dadaalkeedii waxay isugu geeysay in la fidiyo towxiidka saafiga ah, culuunta xadiiska,tafsiirka,fiqhiga xadiiska,siirada nabiga scws masaa’ilka caqadiga ah,waxaa lasoo waariday kutubtii salafka ee manhajka fidintiisa u baahnaa oo inta badan aan loo ogolayn in waddanka la keeno sababtoo ah waxaa isku xirnaa xukuumadda iyo suufiyada oo u arkayey kutubtaa kutub bidco ah.

Golaha shuurada waxay go’aansadeen in la diyaariyo ummada lagana saxo qallooca caqiidada oo sabab u ah qallooc kasta oo ku dhaca dadka ama ummadda. Sida nabiga 13-kii sano ee ugu horreeyay dacwadiisa uu u saaray caqiidada. Sida uu yidhi imam maalik:” ummaddaan inteeda dambe waxa hagaajin karaa wixii hagaajiyay inteedii hore”.Waxaan xaqiiqsannay in aanay fari ka qodnayn mashruuca islaamiga ee soomaaliya,raga qaar waxay lahaayeen labaatanka sano ee soo socota yaan laga hadlin waxaan dacwo ahayn. Dowladda:

Wax yar ka hor 1976 waxay dowladda qaadatay in hoggaanka waddanka loo dhiibo Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed(XHKS). الحزب الاشتراكي الثوري الصومالي Idiloojiyadiiyadiisana ahayd maxim-Leninism islamkana wata iyo aanomalism,  oo ay xubno ka noqdeen dhammaan ururrada bulshada,sida dhallinyarada, weenka,shaqaalaha,xirfadlayda iwm. Sidaan soo sheegnay waxaa ka dambeeyay rag xambaarsanaa kuna qanacsanaa mabda’a shuuciyadda kuna xirnaa dowladaha bariga.waxaan jeclaan lahaa in qiso la xidhiidhta xubnaha xisbiga aan idiin sheego:

Markaan dhammaysannay waxbarashada dugsiga sare 1975,ayaa aniga iyo cabdisamad cabdullaahi cabdi oo xubno ka ahaa dhaqdhaqaaqa islaamka nalagu qoray magaalada Buule -burde, waxaa ka ah guddoomiyaha waxbarashada ee degmada cabdullaahi sheikh(waayeel) oo ahaa wasiirkii waxbarashada ee shaamow lagu qarxiyay aabihiis, dugsiga hoose-dhexe ee Buulo barde waxaa lagu tilmaami jiray in kamid yihiin ardada ugu dhibka badan,maadada loogu necebyahay waa carabiga iyo diinta, waxaan go’aansannay in aan fasalada qaybsanno,labada fasal ee siddeedaad iyo laba fasal oo afraad ah, Cabdisamadna qaato laba fasal oo shanaad ah iyo labo afraad ah.

Xisaddii u horraysay oo aan u galo waxaa igu jirtay cabsi badan ardada qaar baa iga waynaa igana dheeraa,waxaan Idhi “waxaan idhi, waxaan idiin dhigi doonaa carabiga iyo diinta,waa ogahay in aydaan jeclayn,laakin waxaan idiin sheegayaa luqada carabiga luqad caalami ah waa luqadii diintiinna, Sacuudiga haddaad u shaqo tagtaan waa afkaad ku shaqaysan lahaydeen”hadalkii waa loo guuxay,Masjid jaamacana waxaan ka billaabay tafsiirka quraanka kariimka,ardadii oo dhan waxay ku soo xirmeen masjidka,waxaa istaagay suuq wareegii,gabdho xayn ahna waa xijaabteen,iskuulkiina waa degay. Xisbiga oo aad u karkarayey ayaa nagu soo jeestay,nabadsugiddii ayaan qoraal naga gudbisay in magaaladii aan ka dhignay ikhwaanulmuslimiin khatarna aan ku nahay,warqad digniin ah ayaa naloosoo diray in nala xirayo fasaxa marka la galo 15-ka bari ee fasaxa dhexe,si uu noo badbaadiyo maamulihii iskuulka kana mid ah xisbiga cusub ee carcarta qaba, wuxuu noosoo qoray in aan mudada fasaxa lagu jiro in aan u hurno xubnaha xisbiga oo aan u dhigno farta soomaaliga annagana waa aqbalnay,wuxuu iisoo jeediyay in aan tafsiirka joojiyo,waxaan ku idhi taa shaki kale ayey keenaysaa waana igu waafaqay.

fasaxii haddii la galay waxaan far-Soomaaligii u billawnay aniga iyo walaalkay cabdisamad cabdullaahi xubnihii xisbiga oo u badan hooyooyin,marka aan dhamayno far-soomaaliga waxaan u dhignaa quraanka iyo salaadda,xubnaha xisbiga far-soomaaligii waxay ka jeclaayeen barashada diinta,guddoomiyihii waxbarashada oo xubin ka xisbiga kuna jiray guddiga nabadgalyada degmada ayaa dacwo hordhigay guddiga nabadgalyada degmada Buulo burde,in macallimiintiisii shaqada qaranka gudanayay dacwad uu ka gudbiyay masuulka nabadsugidda degmada,(waa joogaa ma sheegayo magaciisa),raggaas oo magaaladii wax ka qabtay haddana fasaxoodii u huray in ay waxbaraan xubnaha XHKS.Guddigii nabad galyada waxay eed dusha kasaareen madaxii nabadsugidda kana codsadeen in dacwadii soo celiyo,sidaas ayaa Allaah nagu badbaadiyay waxaan sii waday tafsiirkii ilaa ay soo dhawaatay galiddii xalane.wadaaddo badanna waa noogasoo baxeen oo rag iyo dumarba leh.

Waa inoo qormada soo socota:

Wax kale uma daahin oo aan aheyn mashquulkeyga,waana uga cudurdaaranaa akhristayaasha uurdoox.

Qore: Sheikh Cabdiraxman Sheikh Cumar

burdhinle@yahoo.com

1 Comment so far

Leave a comment

  1. Asalaamu Caleykum
    Allah subxaana watacaalaa ajar haka siiyo Sh Abdirahman taariikhdaan qiimaha iyo qaayaha leh ee uu naga siiyey Somalia iyo saxwaddii diinta.
    Waxaan ku raacsanahey walaalihii iga horeeyey in taariikhdaan laga dhigo Book dhaxalgal ah oo umadda u noqda marjic taariikheed.
    Xaqiiqatan qofkii akhrista oo maanta waxa jira u barbardhiga waxaa u soo baxeysa kaaf iyo kala dheeri, waana danta aad ka lee dahey qoraalkaaga yaa Shiikhanaa.
    Waxaan kula talin lahaa cid kasta oo akhrista in ay u gudbiyaan asxaabtooda si ay iyaguna uga faaiideystaan kheyrkaan.
    Waxaan mar labaad iyo mar sadexaadba u mahadnaqayaa Allah oo sahley in aan helno qoraalkaan. Waxaan kaloo u mahad naqayaa Sh Abdulrahman Sh Omar.
    Wasalaamu Caleykum

Leave a comment

*