Wafdi ka socda IGAD iyo AMISOM oo gaaray magaalada Kismaayo
November 27, 2012 - Written byKismaayo:-Wafdi ka socoda IGAD iyo AMISOM ayaa dhawaan gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose, wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Kismaayo ku soo dhaweeyey guddoomiye ku xigeen ka dhinac amniga ee maamulka ku meel gaarka ah ee Kismaayo Yaasiin Nuur Gaas. Wafdigaan ka socda IGAD iyo AMISOM oo aan imaanshihiisa horay loo shaacin ayaa intii uusan soo gaarin magaalada waxaa la arkeyey ciidamo ka tirsan kuwa DFS iyo Raaskaam booni oo adkeeyey amaanka goobaha u dhow dhow garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.
Wafdiga ka socda IGAD iyo AMISOM ayaa waxaa ay kulam la qaadan doonaa maamulka ku meel gaarka ah ee magaalada Kismaayo iyagoo ka xog waraysan doono halka uu marayo shir la doonayo in lagu dhiso maamul gobolleed ay ku midaysan yihiin Gobolka Gedo iyo Jubada Hoose oo ka socday in mudo ah magaalada Kismaayo.
Wafiga ka socda IGAD iyo AMISOM ayaa waxaa kale oo la filayaa in maamulka ku meel gaarka ah ee magaalada Kismaayo ay kala hadli doonaa siddii xal iyo is afgarad looga gaari lahaa maamul u samaynta Gobolka Gedo iyo Jubada Hoose oo suxul doon badan iyo xarag jiid uu ka jiro cidii maamul Gobolleed u samayn lahayd ama madax ka noqon lahayd magaalada xeebta ah ee Kismaayo.
A/cawaale
Halgan.net