Wafdi ka socday DFS oo dib looga celiyey magaalada Kismaayo
November 7, 2012 - Written byKismaayo:-Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in maanta wafdi ka socda DFS iyo AMISOM ay ka soo degaan garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo ka dibna dib loogu celiyey magaalada Muqdisho iyagoo loo diiday in ay gudaha u soo galaan magaalada Kismaayo.
Wafdigaan ayaa waxaa kulan kula qaatay garoonka diyaaradaha ee Kismaayo Saraakiil ka tirsan Ciidanka DFS, kuwa Raas kaambooni iyo Saraakiil Kenyaan ah, Wafdiga ka socday DFS ee ka yimid magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka mid ahaa Taliyaha guutada 2aad ee ciidanka DFS Cabdullaahi Cali Caanood iyo Abaanduulaha ciidanka AMISOM.
Saraakiisha Ciidanka DFS, iyo kuwa Raaskaambooni ayaaa saxaafada u sheegay in wafdiga ka yimid Muqdisho ee ka socday DFS aysan u ogalaanin in ay gudaha u galaan magaalada sababo la xiriira amaankooda waxayn dib ugu celiyeen diyaaradii ay ka soo raaceen magaalada Muqdisho.
Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ilaa hadda ka soo baxay Madaxda ugu saraysa DFS gaar ahaan Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaaraha Saacid.
A/cawaale
Halgan.net