Wafuud ka socda Qaramada Midoobay & EU oo soo gaaray magaalada Garoowe(Masawiro)
November 19, 2012 - Written byGaroowe:-Waxaa soo gaaray magaalada Garoowe ee xarunta dowlada Puntland wafdi ka socda QM iyo EU waxaana wafdiga horkacayey kuxigeenka wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya .
Wafdiga ka socda QM iyo EU ayaa waxaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe madaxweyne ku xigeenka Puntland Jen Cabdisamed Cali Shire iyo wasiiro ka tirsan dowlada Puntland
Wafdiga uu horkacayey ku xigeenka wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliya safiiro ka socda wadamada Norway, Filand ,Holland,France iyo Britain.
no images were found
Wafdiga ku xigeenka wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa dhagax dhigay xabsi lagu dhisi doono magaalada Garoowe kaas oo lagu xiri doono Burcadbadeeda ka ugaarsata xeebaha Soomaaliya,xabsi kan la mid ah ayaa QM iyo EU waxay ka hergalinayaan Maamulka S/land.
M_M Deeq
Halgan.net