Wasiiru dowlaha arimaha sharciga ee Puntland oo kormeer ku tagay Jaamacada Bariga Africa
November 2, 2012 - Written byQardho:-Wasiiru dowlaha arimaha sharciga ee Xukuumada Puntland Yuusuf Axmed Kheyr oo safar Booqasho ah ku yimid Jaamacada Bariga Africa Faraceeda Qardho oo horey u ahaan jirtey Jaamacadii Bariga soomaaliya oo Sanadkan noqotay Jaamacada Bariga Africa Faraca Qardho.
Wasiiru dowlaha Xukuumada Puntland ayaa soo Kormeery dhamaan Fasalada ay ka kooban tahay Jaamacada ,Gudoomiyaha Jaamacada bariga Africa Faraca Qardho ayaa soo wada mariyey dhamaan fasalada ay ka koobantahay Jaamacada wuxuuna wasiirku la dhacay sida ay ardada wax u baranayaan asagoona wasiiru dowlaha la hadlaya ardada ayaa waxa uu yiri “waxaan aad ugu faraxsanahay in ay Qardho oo ahaan jirtey Magaalo Tacliimeed ay maanta yeelato Jaamacad kuna faraxsanahay Booqashadeyda aan ku imid Jaamacada waxaana idinkula dardaarmayaa inaad waxbarataan.
Jaamacada Bariga Africa Faraca Qardho ayaa waxey leedahay seddex kuliyadood oo kala ah Kuliyada Shareecada, Kuliyada Maamulka iyo Maareynta iyo Kuliyada Computer Science ka waxaana dhamaan kuliyadahaas wax ka barta ardey isugu jira wiilal iyo gabdho
Waxaa sidoo kale booqashada Wasiiru dowlaha ka hadlay Gudoomiyahay Jaamacada Bariga Africa faraca Qardho Cali Maxamed Cali oo sheegey inuu aad ugu faraxsanyahay booqashada wasiiru dowlaha wuxuu sidoo kale sheegey in wasiiru dowluhu uu doonayey inuu soo booqdo jaamacada marar badan laakiin ay usuuroobi weydey laakiin manta oo Jimco ah ilaahey fadligiis uu soo booqdey Xarunta Jaamacada Bariga Africa Faraca Qardho.
Masawirada iyo codadka dib baan idiinka soo gudbin doonaa inshalaah
Halgan.net
Qardho