Xoghayihii hore ee M- hore ee Puntlland Cadde Muse Faarax Cabdullaahi oo la sii daayey
November 8, 2012 - Written byBoosaaso:-Xoghayihii hore ee Madaxweynihii hore ee Puntlland Gen Cadde Muuse Xirsi ayaa saaka laga sii daayey Xabsiga magaalada Boosaaso ka dib markii odayaal iyo waxgarad kale ay ay Madaxda dowllada Puntlland ay ku cadaadiyeen in la sii daayo Faarax Cabdullaahi Cumar Gardan oo ah nin ganacsade oo ku nool hadda magaalada Boosaaso.
Xoghayihii hore ee Madaxweynihii hore ee Puntlland Gen.Cadde Muuse , Faarax Cabdullaahi Cumar Gardan ayaa waxaa uu sheegay in isagoo xafiiskiisa joogay ay u yimaadeen ciidamo ka tirsan Booliska Boosaaso iyo ciidanka Badda iyagoo wiidiiyey in ay jiraan wax bayaano ah oo uu u qoray saxaafada ka dibna uu tusay bayaan uu hayey dabadeedna ay ku amreen in uu raaco oo uu xiran yahay sidaasna lagu xiray.
Xoghayihii hore ee Madaxweynihii hore ee Puntlland Gen Cadde Muuse Xirsi , Faarax Cabdullaahi Cumar Gardan ayaa waxaa uu sheegay in ciidanka xiray iyo ciidanka ilaalada Xabsiga Boosaaso ay si wanaagsan ula dhaqmeen saacadihii uu xirnaa wax dhibaato ahna uusan la kulmin marka laga reebo in lagu xiray oo kaliya aragti uu ka aaminsan yahay dowllada Puntlland iyo waqti korarsigeeda oo uusan raacsanayay sidda ay la qabaan dad badan oo ku dhaqan degaanada Puntlland.
Xoghayihii hore ee Madaxweynihii hore ee Puntlland Gen Cadde Muuse Xirsi , Faarax Cabdullaahi Cumar Gardan ayaa saxaafada u sheegay in wax danbi baaris ah ama waraysi ah aan lala yeelan ilaa intii uu ku xirnaa Xabsiga Boosaaso, Ugu danbayntii ayaa Xirsi Faarax Cabdullaahi Cumar Gardan waxaa uu ugu baaqay dadweynaha ku nool degaanada Puntlland in ay ilaaliyaan nabadgelyada oo ah arrinta ugu muhiimsan waxaan kale oo ugu baaqay madaxda Puntlland in dalka aysan ka abuurin khalkhal oo ay xukunka iskaga dhiibaan siddii iyagaba loogu dhiibay.
M_M_Deeq
Halgan.net