153 arday oo ka qalin jebisay Jaamacada Bariga Africa qaybteeda magaalada Garoowe

September 6, 2013 - Written by Editor

Garoowe:- Waxaa lagu qabtay hoolka Jaamacada Bariga Africa qaybteeda magaalada Garoowe xaflad balaaran oo ay ku qalin jebiyeen ardey gaaraysa 153 arday waxaana xafladaas ka soo qeyb galay masuuliin ka tirsan Puntland iyo culuma,udiin waxaana ardayda ka qalin jabisay Jaamacada Bariga Africa ay ka qalin jabiyeen qaybaha kala duwan ee kuliyadaha Jaamacada.

Masuuliinta ka tisan Maamulka Puntland ee ka soo qeyb galay xaflad qalin jabinta waxaa ka mid ahaa Gudoomiyaha Barlamanka Puntland Cabdirashiid Maxamad Xirsi Wasiirada Maaliyada, wasiirka Amniga, wasiirka Warfaafinta, wasiirka wasaarada Waxbarashada, iyo qaar ka mid ah taliyaasha ciidanka kala duwan ee Puntland.

Ugu horeyn waxaa khudbad kooban ka jeediyey xaflada alaha dhowree Fadiilat Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf waxaana uu ka warbixiyey heerarkii kala duwanaa ay soo martay Jaamacada Bariga Africa iyo culumadii dhidibada u aasay Jaamaca oo ay dileen Ururka Al-Shabaab (Sheekh C/qaadir Nuur Faarax iyo Sheekh Dr. Ahmed Xaaji C/raxmaan ) alaha u naxariisto dhamaantood.

Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf ayaa sidoo kale ka warbixiyey macaahid iyo Madaarista hoos tagtay Jaamaca Bariga Afrika waxaana uu sheegay in Jaamacada Bariga Africa ay si weyn u horumartay.

Gudoomiyaha guud ee Jaamacadda Bariga Africa Puntland Dr.Cabdirisaaq Hiirad ayaa sidoo kale ka waramay heerka iyo himilada ay higsaneyso Jaamacada Bariga Africa oo haatan jirsatay 15 sano waxaana uu u mahad celiyey dhamaan mamulka iyo macalimiinta Jaamacada Bariga Africa faraceeda magaalada Garoowe.

Gudoomiyaha Baarlamaanka dowlada Puntland Cabdirashiid Maxamad Xirsi ayaa xariga ka jaray hoolka weyn ee Jaamacada Bariga Afrika qeynteeda Garoowe wuxuuna bogaadin u soo jeediyey mamulka iyo macalimiinta Jaamacada Bariga Africa

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online