41 Arday oo ka qalin jabisay Machadka Barashada culuumta diinta islaamka ee Saylac.[Masawiro]

September 6, 2013 - Written by Editor

6Machadka Barashada culuumta diinta islaamka iyo barashada luqada carabiga ee Saylac ayaa waxaa ka qalin jabiyey dufcadii 4aad  waxaan ka qalan jabiyey ilaa 41 Arday oo isku jiray wiilal iyo gabdho kuwaas qaatay shahaadada Diplomka oo Saddex Sanno ahayd. Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qayb galay Salaadiin, Waalidiin, Aqoonyahano, dhalinyaro ,Culumo ‘udiin iyo Haween waxaana ugu horeyn ka hadlay maamulka Machadkan Sh. Xassan Khayre Dirir waxaa uuna ku dheeraaday heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray Machad Saylac.

Sheekha ayaa sidoo kale sheegay in ay qaybtan maanta ka baxaysa ay dhamaystiratay qaybaha kala duwan ee culuumta diinta islaamka iyo luqada Carabiga Sh Xassan khayre Diriri ayaa dhanka kale sheegay in machadkani yahay machadka qudha ee Somaliland iyo gaar ahaan Gobollada Galbeedka ku yaala ee soo saara arday Tayo leh oo ka dhisan dhinacyada Culuumta Diiniga iyo luqada Carabiga waxa uuna sheegay in ay duruufo adag uu soo maray Machadkani haatanse alle mahadii uu aad u fiicanyahay,balse ay wali wax ka dhiman yihiin dhinac dhismaha.

no images were found

Sidoo kale sheekha ayaa tahniyad u diray ardayn maanta qalin jabisay waxa uuna alle uga baryay in alle ku anfaco cilmigaas ay kala tageen Machadkan dadka walaalahoodana u faa’iideeyaan, waxa kale oo uu sheekhu baaq u diray walaalaha muslimiinta in ay ka soo qayb qaataan dhamaystirka machadkan oo ah mid wali dhismihuusu qaybyo yihiin. Munaasabadan ayaa intii ay socotay waxaa halkaas ardaydaas lagu gudoonsiiyay shahaadooyin iyo abaalmarino kala duwan ardaydii kaalmaha hore ka gashay imtixaankaas.

Gabogabadii munaasbadan ayaa waxaa halkaas hadalo ka soo jeediyay sh. c/laahi sh cali jawhar Suldaan C/raxmaan Jaamac Dhawal, Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar, Suldaan Abiibakar Cilmi Wabary iyo oday dhaqameedyo kale iyo culimo kale waxa ayna ku amaaneen maamulka Machadkan sida geesinimada leh ee ay ugu dhiiradeen in ay hirgaliyaan Machadka qaaliya oo ku yaala Somaliland laguna baranayo Culuumta Diinita islaamka iyo luqada carabiga waxa kale oo ay hanbalyo u direen ardayn ka qalinjabisay Machadkan iyaga oo ku booriyay in ay cilimgan ay barteen dadka sii gaadhsiiyaan.

Si kastaba ha ahaatee machadkan Saylac oo ah machadka qudha ee noociisa oo kale uu ku yaala Somaliland iyo Gobolada Galbeedka Somaliland ayaa ah mid soo saara arday tiro badan sannad walba kuwaas oo si toos ah ugu biira Jaamacaddaha dalka qaybaha Shareecada waxa ayna mudan yihiin Maamulka iyo Macallimiinta Machadkan in la taageero oo la garab is taago.”

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online