Abu Mansuur Al-Amriki: Al-qacida iyo Al-shabab waan ka baxay

September 3, 2013 - Written by Editor

abuDiinsoor:-War maanta lagu daabacay  barta Internetkaa ee  Idaacadda VOA ayaa lagu sheegay in ay waraysi la yeesheen Abuu Mansuur Al-amriki oo ka mid ahaa Saraakiisha ka barbar dagaalami jirtay Ururka Al-shabaab , Waraysiga uu bixiyey  Abuu Mansuur Al-amriki ayaa ku shaaciyey in maanta wixii ka danbeeyey uusan ka mid ahayn ururka Al-shabaab iyo Al-Qaacida.

Abu Mansuur Al-Amriki oo magaciisa sax ah uu yahay , Omar Hammami ayaa ku sababeeyey ka bixitaanka ururka Al-shabaab ay tahay in hogaamiyahah ururka Al-shabaab Axmed Cabdi Godane uu naftiisa  kala baqayo uuna xiriirka uu u jaray ka dib markii shirqoolo isku dayo dil ah oo uu soo abaabulay Godane uu ka badbaaday.

Abu Mansuur Al-Amriki ayaa Idaacadda VOA  u sheegay in uu ku dhuumaalaysanyo meel ka mid ah Gobollada Bay iyo Bakool uuna weli cabsi ka qabo shirqoolo uga imaanay hogaamiyaha ururka Al-shabaab, Abu Mansuur  Al-Amriki ayaa waxaa kale oo uu sheegay in labadiisa xaas ay afduubeen kooxda Al-shabaab ka dib markii ay dileen  qof hoy siiyey xaasaskiisa.

Abu Mansuur Al-Amriki  ama Omar Hammami ayaa waxaa uu ka soo jeedaa  gobolka Alabama ee dalka Mareykanka,waxaan uu dalka Soomaaliya yimid 2006 isagoo ku biiray xoogagga hubaysnaa ee ay hogaaminayeen ururadii islaamiga isagoo markii danbe ku biiray ururka Al-shabaab.

Abu Mansuur Al-Amriki ayaa  dowladda Maraykanka waxaa ay dul dhigay lacag gaaraysa ilaa 5 million oo dollar ayna siinayaan qofkii soo sheega meesha uu ku sugan yahay, Idacaadda VOA ayaa sheegtay in waraysiga ay la yeelatay Omar Hammami ay soo dayn doonaa maalinta beri ah. Halkaan ka eeg qoraalka VOA ay ka qortay Abu Mansuur Al-Amriki

A/cawaale
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online