Al-shabaab oo sheegtay in ay weerar ku qaadeen madaxweynaha DFS

September 3, 2013 - Written by Editor

logo-alshabaabMuqdisho:-Ururka Al-shabaab ayaa maanta sheegtay in ay weerar la beegsadeen kolanyo gawaari ah oo galbineysay wafdi uu horkacayey Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud waxayna sheegeen in ay laba gaari ka gubeen khasaaaro kala duwan gaarsiiyeen. Afhayeenka howlgalada Ururka Al-Shabaab C/casiis Abu Muscab oo maanta shirja,aaid qabtay ayaa sheegay in laba gaari ka gubeen wafdigii uu horkacayey madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sii jeeday magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellada Hoose wuxuuna sheegay in weerarka uu ka dhacay deegaanka Buufow.

Dhanka kale Afhayeenka Madaxtooyada, ahna la taliyaha Madaxweyna Eng:Cabdiraxman Cumar Cusmaan Yarisow ayaa sheegay in gaari ay la socdeen saraakiil ciidan oo ku socday Marko uu ku rogmaday magaalada Muqdisho uuna ku dhintay hal askari, dhowr kalena ay ku dhaawacmeen waxaana uu beeniyey in wax weerar ah lagu qaaday wafdiga madaxweynaha DFS ee maanta gaaray magaalada ee xarunta gobolka Shabeellada Hoose.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online