Al-shabaab yaa dhalay? qaybtii 5aad Sh Axmed Cabdisamad

September 25, 2013 - Written by Editor

Maqaal-300x158Inta aynaan ka hadlin halka ay ka soojeedaan kooxaha Takfiir, Qaacido iyo Shabaab: ma Salafiyo ayaa asal u ah mise Ikhwaan mise cid kale?. Ma Sucuudi ayay ka yimaadeen mise Masar mise meel kale? Kutubta ay soo akhristeen miyaa sabab u ah qalloocaan mise meel kale ayaa looga yimid?. Inta aynaan arrimahaan ka hadlin aynu ku hormarno Khawaarijtii hore xaggay ka soo jeedeen, yayse ku abtirsanayeen?.

Ugu horayn waynu soo sheegnay in aan nafna loohaysan naf kale dambigeed. Cid kale iska dhaafe wiilka iyo aabbihi midna looma qabsan karo waxa kan kale gaysto. Tan kale xilka Ilaahay saaray rususha iyo culumada waa inay dadka xaqqa u caddeeyaan (Alle ayaa nabigeena ku yiri: “ adiga dushaada wax kale ma saarna gaarsiin cad mooyaane”) ee xilkoodu maaha inay dadka qalbigooda hanuunka galiyaan oo Rasuulkeena ayaa Alle ku yiri: “adigu ma hanuunin kartid qofkii aad jeceshahay ee Alle ayaa ku hanuuniya ciddii uu doono wado toosan”.

Si arrintaas usii caddaato aynu sheegno in dad soo islaamay xilligii nabiga scw ay dib u riddoobeen intii nabigu noolaa iyo markii uu dhintayba. Tan kale waxaa joogay xilligii nabiga scw dad badan oo munaafiqiin ah. Midda kale ninka asalka u ah khawaarijta wuxuu joogay samankii rasuulkeena oo isagaaba sii sheegay in ninkaan khawaarijtu ka farcami doonto. Intaas oo dhan oo jirta marna lama oran, mana la oran karo nabiga scw ayaa dhalay ama asal u ah riddada, munaafaqnimada iyo khawaarijnimada; waayo intuba waxay wateen wax khilaafsan farriintii uu xagga Alle uga keenay.

Sidaa oo kale Khawaarijtu waxay ka mid ahaayeen ciidankii Sayid Cali, dhinac ayayna uga bexeen, wayna gaalaysiiyeen isaga, asxaabtii nabiga scw iyo muslimiinta oo dhan, wayna la dagaalameen, mana la oran khawaarijta Sayid Cali ayaa dhalay ama wax soo baray; waayo diintii nabi Muxammad scw ayuu xambaarsanaa oo fidinayey. Sababta ay ku lumeena waa jaahilnimadooda, hawadooda oo ay raaceen iyo fahamkooda qalloocan ee Sayid Cali afkaartooda gurracan isagaaba dadka uga digayey.

Waxaa iyana macruuf ah in Waasil Ibnu Cadaa’ oo ah ninkii dajiyay mad-habka baadilka ah ee muctazilada uu ka mid ahaa xertii Imaam Xasan Al-basri, sidaas oo ay tahay marna Xassan Al-basri laguma suntin inuu Muctazilada dhalay ama ay ka farcameen; sababta oo ah fahamkiisa diimeed wuxuu ahaa kii asxaabta nabigu xambaarsanaayeen, cilmiga uu barayna wuxuu ahaa kii uu asxaabta ka bartay ee ninkaan fahamkiisa qalloocan iyo hawadiisa ayaa ka adkaatay.

Waxaa kale oo la wada ogyahay in nin kasta oo dad cilmi bara ama Qur’aan u dhiga xertiisu u qaybsanto kuwo wanaagsan iyo qaar xun ilaa qaarkood lagu magacaabo: kutubo-xoor, Janno ka-bood iwm, culumada iyo macallimiinta xertooda qaar xumaadana looma tiiriyo kuwa xumaaday, iyagaa dhalay ama asal u ahna lama yiraahdo; waayo waxaaba kala duwan wixii la baray iyo waxay faleen.

Haddaba haddii aynu ka soo qaadno in dadkii keenay afkaartaan qalloocan wax ka soo barteen jamaaco gaar ah midday doonto ha ahaatee macneheedu maaha in jamaacadaas eedda leedahay. Eedda ku saabsan in kutubta cilmiga laga barto sabab u tahay qalloocaan iyo in kale qaybta soo socota ee qormadaan ayaynu ku eegi doonaa, idanka Alle ee aynu wada sugno.

W/Q Sh Axmed Cabdisamad
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online