Arday cusub oo ah dufcadii14-aad oo ku soo biirtay Jaamacada Bariga Afrika.[Masawiro]

September 19, 2013 - Written by Editor

1Boosaaso:-Waxaa jaamacadda bariga Africa lagu qabtay maalinimadii arbacada 18/09/2013 xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay xafaladdaas oo loo qabtay ardaydii ku guulaysatay imtixaan kii Admission-ka (aqbalaadda) una qaybsanaa dhamaan kuliyadaha jaamacadda sideedda ah ee  ay ka koobantahay xarunta Boosaaso. Ugu horayntii waxaa xafladda hadal taariikhi ah ka jeediyay guddoomiyaha JBA Dr.C/risaaq Hiirad Maxamed isagoo ku nuux nuux saday ahmiyadda marxalad da jaamacaddu leedahay iyo inaysan la mid ahayn marxaladdii  ay ka soo gudbeen ee dugsiga sare loona baahan yahay in ay ardaydu muujiyaan isbedel lana qabsadaan marxaladdan cusub.

Waxaa isaguna goobta ka hadlay G/ku xigeenka waxbarashada JBA Sh. Maxamed Macallin Axmed si aad u faah faasanna uga hadlay cilmiga iyo ahmiyadiisa sheegayna in heerka jaamicinnimaddu ka dhigayo qofka mid xor ah laakiin mas’uuliyadi daba taalo.

no images were found

Sidoo kale Waxaa madasha ka hadlay hormuudka waaxda arimaha ardada JBA Maxamed Faahiye Ciise isagoo ku hadlayay magaca guddiga qaban qaabada xafaladd soo dhowaynta ardayda cusub oo ay qabatay waaxdaasi, wuxuu ku soo dhoweeyay jaamacadda ardayda cusub isla markaana wuxu sheegay in waxbarashada dalku kaga fiican tahay dhinacyo badan midda dibadda, wuxuu kale oo ku daray in halku dhegga jaamacaddu uu yahay inay soo saarto arday ku tilmaanan (4M) oo ah (Muslim, Mutacalim, Mutakhasis, Muwaadin).

Waxaa isna hadal  aad u qiimo badan ka jeediyay xafladda Hormuudka waaxda Aqbaladda iyo diiwangelinta JBA Prof. Axmed Maxamed Siciid(faarax) isagoo aad u faahfaahiyay wax yaabo aad u khuseeya ardayda oo ay ka mid yihiin hubinta Document- iyada  soo gelitaanka, xirashada jaamacadda IWM, sidoo kale wuxuu aad ugala hadlay ilaalinta hantiida jaamacadda, una sheegay inay hantidoodii tahay.

Sidoo kale waxaa kalimado qiimo badan ka soo jeediyay madaxa xafiiska Imtixaanaadka JBA Cali C/waxid,  oday dhaqmeedyo, Ardaydii cusbayd ee soo gashay jaamacadda iyo kuwii dhiganayeyba, waxaa soo xiray xafladda G/xigeenka golaha sare (Board) ee JBA Maxamuud Qorane Maxamed. Ardaydaan oo ahayd dufcaddii 14 aad  ee soo gasha jaamacadda tan iyii intii la aasaasay 1999kii ayaa waxay kusoo idlaatay si habsimi iyo deganaansho ku dheehantahay, ilaahay ayaa ku mahadsan.

Waaxda arrimaha ardayda JBA
Bosaaso- Somalia

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online