Bayaan ka soo baxay Shirkii Golayaasha Jaamacadda Bariga Afrika[Masawiro+Cod]

September 7, 2013 - Written by Editor

1Boosaaso:-Jaamacadda Bariga Afrika oo ah Jaamacaddii ugu horeysey ee Puntland laga furay 1999-kii Isla markaana  ka mid ah Jaamacadaha Soomaaliya ugu balaaran , waxayna Xarumo ku leeday ilaa todoba Magaalo oo Soomaaliya ah , 2-da Gole ee Asaasayaasha iyo Board-ka  Jaamacada Bariga Africa iyagoo gudanaya masuuliyadda weyn ee ka saaran inay si Joogto ah uga warhayaan waqti walba xaaladda dhabta ah ee Jaamacaddu ku sugan tahay, islamarkaana laga fekero sidii Jaamacadda marwalba loo hormarin lahaa dhinac kasta, haddii ay noqoto xaga Waxbarashada, Maamulka, Dhaqaalaha iyo xiriiradda kala duwan ee Jaamacaddu la leedahay Gudaha iyo dibadaba si Jaamacaddu mar walba ula saanqaado heerka Caalamiga ah ee Jaamacadaha lagu qiimeeyo.

Sidoo kale waxaa lawada ogsoonyahay in Jaamcadda Bariga Afrika ay tahay Mu,asasad Bulshadu leedahay , Taladeedana ay mar walba Gacanta ku hayaan Masúuliyiin Bulshada laga soo dhex Xulay kana kooban ; Culimo ,Aqooyahano,iyo Ganacsataba islamarkaana hadba Cidda loo arko inay ku haboontahay inay Madax ka noqdaan Golayaasha kala duwan ee Jaamacadda si Xor ah loogu doorto,taasoo muujinaysa maamul wanaaga iyo hogaaminta toosan.

no images were found

Haddaba iyadoo Arrimahaas laga duulayo  ayaa Taariikhdu markay ahayd 28-30 Shuwaal/ 1434 kuna beegan  5-7dii September- 2013, waxaa shirkii Sanadlaha ahaa ee Jaamacadda ku yeeshay Xarunta Jaamacadda Bariga Afrika ee Garoowe  Golayaasha Jaamacadda Bariga Afrika oo ka kooban Golaha Asaasayaasha ,Golaha Boardka iyo Golaha Fulinta , Shir kaas oo ay ka soo bexeen Go,aamo taariikhi ah oo Masúuliyiin Cusub  loogu doortay 2-da Gole ee Asaasayaasha iyo Boardka Jaamacadda, sidoo kale waxaa shirkaas lagu qaatay Go’aamo Muhiim ah oo Jaamacadda lagu hormarinayo.

Hoos ka Dhageyso Shirjaraa,id ay qabteen Masuuliinta Jaamacada Bariga Afrika

[audio:http://k002.kiwi6.com/hotlink/tgacwehfck/afrika1.mp3]

Ka dib markii Golaha Asaasayaasha iyo Golaha Boardku warbixin faahfaahsan ka dhegeysteen Xaaladda Dhabta ah ee ka jidha Jaamacadda Bariga Afrika iyo Horumarka Jaamacaddu Gaadhay Mudadii Sanadka ahayd ee Golaha Fulinta hada jiraa Xilka hayey .

Ka dib markii Golayaashu u kuurgaleen Heerka Jaamacaddu ay marayso Dhinacyada Maamulka , Dhaqaalaha iyo Waxbarashada(Akademiga)

1. Ka dib markii Golaha Asaasayaashu  Golaha Boardhka Jaamacadda  ka dhegeysteen Warbixintoodii.

2. Ka dib markii Golaha Asaasayaashu ka dooday Ciddii Bedeli lahayd Gudoomiyihii Asaasayaasha Jaamacadda Sh.Cabdulqaadir Nuur Faarax Allaah ha u naxariistee ,iyo Xubinta Asaasayaasha ka banaanaatay Ciddii lagu Bedeli  lahaa.

3. Ka dib markii Qiimayn Dhamaystiran  lagu sameeyey Heerka ay marayso Jamacadda Bariga Afrika iyo Baahida Mustaqbalka dhow iyo mida fog ee Jaamacadda .

Qiimayn

Arrimahaas oo dhan Markii Golayaasha Jaamacaddu dhegeysteen isla markaana Qiimayn Buuxda ku sameeyeen waxaa u soo baxday Arrimahan :

In Guddiga Fulinta ee Jaamacadda ee uu hogaaminayo Dr.Cabdirisaaq Hiirad Maxamad, Xilka Jaamacaddana hayey Sanad-Jaamacadeed kii 2012/2013. In Maamulkaasi Xilkiisa u gutey sidii ugu haboonayd isla markaana Jaamacaddu gaadhey Horumar weyn oo la taaban karo ,siiba dhinacyada , Maamulka, Waxbarashada(Akademiga ) , iyo Xiriirka Caalamiga ah.

In Sanad Jaamacadeedka 2013/2014 uu furmo waqtigiisii Caadiga ahaa ee 15/09/2013 , isla markaana Golaha Fulintu sii wadaan Barnaamijkoodii Horumarinta iyo Tayaynta Jaamacadda kaasoo ay ugu talo galeen in la fuliyo Sanad-Jaamacadeed-kaas bilawday.

Go’aamadii Golaha Asaasayaasha,Intaas ka dib Golaha Asaasayaashu wuxuu Go,aan ku soo saaray Arrimahan:-

Waxaa  Cod Aqlabiyad ah loogu doortay Goddoomiyaha Cusub ee Asaasayaasha Jaamacadda Bariga Afrika Sh.Yuusuf Cabdicasiis  Maxamad . isla markaana waxaa Cod Aqlabiyad ah loogu doortay Gudoomiye ku xigeenka Asaasayaasha Suldaan Cabdi salaan Suldaan Maxamuud Axmad.

Waxaa Cod Aqlabiyad ah loogu doortay Prof.Maxamad Cabdi Aadan ( Gudoomiyiihii hore ee Golaha Fulinta ee Jaamacadda)  inuu Buuxiyo Xubinta Mu,sisiinta ka dhiman.

Waxaa la go,aamiyey in Degdeg loogu dhiso Kuliyadaha  Caafimaadka , Xanaanada Xoolaha iyo Waxbarashada, Shaybaarro Casri ah islamarkaana lasii horumariyo Baraatikada Ardada Kuliyadahaas. .

Go,aamadii Golaha Bodhka, Waxaa Golaha Boardku Qaraar ku soo saaray Arrimahan :-
Waxaa Golaha Board-ku Cod aqlabiyad ah Guddoomiye ugu doortay Dr.Aadan Shiikhdoon Cali , islamarkaana waxaa Gudoomiye ku xigeen Cod Aqlabiyad ah loogu doortay Ustaad Maxamuud Qorane Maxamad .

Waxaa Golayaasha kala duwan ee Jaamacaddu u mahad celinayaan :-

1. Dawladda Puntland iyo Madaxweynaheeda Dr.Cabdiraxmaan Maxamad Maxamuud (Faroole) oo Jaamacadda Bariga Afrika si buuxda u garab istaagey dhinac walba uguna deeqay Dhul balaaran oo ku yaal Magaalada Garowe kaas oo Jaamacaddu Baahi weyn u qabtey .sidoo kale waxay Golayaasha Jaamcaddu si gaar ah ugu mahadcelinayaan Wasaaradaha Waxbarashada Caafimaad ka  iyo Maaliyada oo isu xilsaaray inay Fududeeyaan wixii Jaamcaddu uga baahato .

2. Golaha Fulinta Jaamacadda oo uu Hogaaminayo Prof. Cabdirisaaq  Hiirad Maxamad  kuwaas oo muujiyey Xilgudasho dhab ah Hay,adda Manhal iyo Guddoomiyaheeda Shiikh.Cabdi waaxid Xaashi oo isu xilsaaray inay daboolaan Baahida Dhismayaalka Jaamacadda iyo Qalabayntoodaba.

3.Dhamaan Shirkadaha Ganacsiga ee Taageerada joogtada ah la garabtaagan Jaamacadda.

4. Jaaliyadaha Dibadda Siiba Yurub, Maraykanka ,Afrika iyo Wadamada Carabta.

Dardaaran

Golayaasha kala duwan ee Jaamcaddu waxay Dawladda iyo Shacabka Reer Puntlanba ka codsanayaan inay sii wadaan Taageerada ay u hayaan Jaamacadda Bariga Afrika .

Ardada dhamaysata Waxbarashada Dugsiyada sare , waxay Golayaasha Jaamacaddu ugu baaqayaan inay ka faa’iideystaan Fursadaha ay ku haystaan Dhulkooda Hooyo ee Waxbarashada heer Jaamacadeed Maadaama lawada qiray inay Waxbarashada guduhu Da’yarta uga haboon tahay ugana Khatar yar tahay Waxbarashada loo aado Wadamada dibadda.

Dawladda iyo Shacabka Reer Puntland waxay Golayaasha Jaamacddu ugu Baaqayaan in lawada ilaaliyo Amniga , Xasiloonida iyo Midnimada Wadanka .

Wabilaahi Towfiiq

Gudoomiyaha Golaha Asaasayaasha
Sh.Yuusuf C/Casiis Maxamed

Gudoomiyaha Golaha Boardka
Dr.Aadan Sheekhdon Ali

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online