Ciidanka maamulka KMG ee Jubba oo howlgalo ka sameeyey Kismaayo

September 11, 2013 - Written by Editor

KismaayoKismaayo:-Ciidanka maamulka KMG eee Jubba ayaa xalay ilaa saaka howlgalo ka sameeyey gudaha magaalada Kismaayo waxaana howlgalada lagu soo qabtay rag lagu eedeeyey in ay amaan xumo ka wadeen gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose. Guddoomiyaha degmada Kismaayo C/laahi Qaldaan oo maanta la hadlay saxaafada ayaa sheegay in howlgalada ka socda magaalada Kismaayo looga gol leeyahay sugida amaanka waxaana uu sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen ilaa 20 qof oo eedaysanayaal ah.

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose ayaa waxaa ilaa haatan xiran shirkadaha isgaarsiinta waxaana loo xiray iyada oo la helay in qaraxyo lala damacsan yahay xarumo ku yaal magaalada Kismaayo waxaana shalay la fashiliyey dhowr miino oo lagu aasay qaar ka mid ah xaafadaha magaalada Kismaayo.  Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ku soo wajahan wafdi ka socda DFS iyo madaxda Maamulka KMG ee Jubba waxaana ka dhici doono maalmaha soo socda wajiga Labaad ee shirka wadatshiga ee u dhexeeyey Maamulka Juba iyo DFS.

Cabdi Yare
Kismaayo

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online