Ciidanka badda Puntlland oo qabtay dad Tahriibayaal ah

September 23, 2013 - Written by Editor

Ciidanka-badda-ee-puntlandBoosaaso:-Ciidanka badda ee Puntland oo ka sameeyey howl galo magaalada Boosaaso ayaa waxaa ay soo qabteen ilaa 14 qof oo tahriibayaal ah kuwaas oo doonayey in si dhuumaalaysi ah ay ugu tahriibaan dalka Yeman.Ciidanka Badda Puntlland ayaa waxaa kale oo qaybteen agabkii iyo milkiilayaashii lahaa doomaha la rabay in la saaro tahriiba yaasha waxaan lagu xiray Saldhiga weyn ee magaalada Boosaaso.

Taliyaha ciidanka badda ee Puntland Gen. Cabdirasaaq Diiriye Faarax oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in ciidanka badda Puntlland ay ku guulaysteen howl galada ay sameeyeen saaka danbiilayaashii la soo qabtayna ay dhawaan Maxkamada geyn doonaa.

Taliyaha ciidanka badda ee Puntland Gen. C/risaaq Diiriye Faarax ayaa sheegay in dowladda Puntlland ay degaanadeeda ka mamnuucday in laga tahriibo  si sharci daro ah ka dib markii dad badan ay ku dhinteen badda.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online