Ciidanka Booliska Gaalkacyo oo howl galo ka sameeyey Xaafadaha magaalada

September 13, 2013 - Written by Editor

gaalkacyoGaalkacyo:-Ciidanka Booliska magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa ay howl galo maanta ka sameeyeen  xaafadaha magaalada Gaalkacyo waxaan howlgalkaan aya ciidanku ku soo qabteen ilaa 18 dhalinyaro ah oo ay ku tuhmeen in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab ayna ka yimaadeen Koonfurta Soomaaliya. Ciidanka Booliska Gaalkacyo ayaa maanta la arkayey iyagoo ka wada howl galo dhinac Waqooyi ee magaalada Gaalakacyo oo ay ka taliyaan maamulka Puntlland, dadweynaha ku dhaqan Gaalkacyo ayaa maanta dareemay howlgalka ay samaynayeen ciidanka oo ahaa mid weyn oo lagu bartilmaamsanayey goobo  gaar ah.

Dhalinyarada ay ciidanka Boolisku magaalada Gaalkacyo  ay qabteen ayaa waxaa qaar kood la qabtay xili ay doonayeen in ay ka soo talaabeen Koontroolka Koonfurta Gaalkacyo iyagoo doonayey in ay u soo gudbaan dhinac Waqooyi. Taliska ciidanka Booliska ee Gobolka Mudug ee Puntlland ayaa maalmo ka hor sheegay in ay jiraan kooxaha  dhalinyaro ah oo ka tirsanaa Al-shabaab oo u soo firxaday gobolka Mudug gaar ahaan magaalada Gaalkacyo si ay ugu sii talaabaan magaalooyinka kale ee Puntlland si ay qaraxyo iyo dilal uga fuliyaan.

Ma ah markii ugu horaysay  oo ciidanka Booliska Gaalkacyo ee maamulka Puntlland ay sameeyaan  howl galo ay ku qab qabtaan  dhalinyaro ay ku eedeeyaan in ay faraha kula jiraan arrimo lid ku ah amaanka magaalada Gaalkacyo iyo Gobolka Mudug.

M_M_Deeq
Halgan.net

 

 

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online