Ciidanka Daraawiishta Puntlland oo howl galo ka sameeyey Buuraha Golis

September 29, 2013 - Written by Editor

galgala1 (2)Boosaaso:-Ciidanka daraawiishta Puntland ee aaga buuralayda Golis ee gobolka Bari ayaa xalay waxaa ay howl gal ka samee yeen degaanka  Cadale iyo Habaar-hawle  waxaan ay howlgalkaas ku dileen mid ka mid ah ciidanka ururka Al-shabaab waxaana ay ku dhaawaceen ilaa saddex kale. Taliyaha ciidan ka Daraawiishta Puntlland ee Aaga Buuraha Golis Col.Jaamac Afgaduud ayaa u sheegay saxaafada in ciidan kiisu ay xalay 10.00 fiidnimo ay weerar kadis ah ku qaadeen xarun ciidan oo ay lahaayeen Al-shabaab iyagoo kala wareegay goobta khasaaro dhimasho iyo dhaawac ahna gaarsiiyey ciidanka Al-shabaab ee ku sugnaa  degaanka Cadale iyo Habaar-hawle.

Taliyaha ciidanka Daraawiishta Puntlland ee Aaga Buuraha Golis Col.Jaamac Afgaduud ayaa sheegay in howl galkaan ay sameeyeen ka dib markii ay heleen xog ku saabsan in ciidan ka tirsan Al-shabaab ay soo galeen mar kale degaanka , Cadale iyo Habaar-hawle arrinkaasna ay ciidanku ku bixisay in ay weerar ku qaadaan.

Taliyaha ciidanka Daraawiishta Puntlland ee Aaga Buuraha Golis Col.Jaamac Afgaduud ayaan sheegin wax khasaaro ah oo soo gaaray ciidanka Puntlland ee howl galka xalay ka fuliyey Buuraha Golis.  Ururka al-shabaab ayaa waxaa ay dhowr jeer oo hore dagaalo ku dhexmareen Buuraha Golis ciidanka daraawiishta ee Puntlland  waxaan dagaaladaas ka dhashay khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac  soo kala gaaray 2-da dhinac, ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ururka Al-shabaab oo ku aadan howl galka xalay ay sameeyeen ciidanka daraawiishta ee Puntlland Buuraha Golis.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online