Culumada Beenta Lala Daba Galay Yay Dani Ugu Jirtaa? W/Q Cubtan Yuusuf

September 11, 2013 - Written by Editor

Mecca:-Marka hore Allaah baan ku mahadinayaa, marka xiggana Nabigaan ku sallinayaa صلى الله عليه وسلم intaa ka dib, su’aasha kor ku xusaan jawaabteeda qof walba oo caqiida saxiix ah iyo caqli saliim ah la isugu daray jawaabteeda si sahal ah ayuu u garan karaa, waxaa ayna tahay jawaabtu shaydaan iyo acwaantiisa ayay dan la mood u tahay. Beentu waa danbi dunuubta waawayn ka mid ah, qofka muslim ka ah  tilmaamaha lagu yaqaana ka mid ma ahan, diinteenuna nusus badan ayay ku cadaysay arintaas, qofka muslimka ahna inuu been caado ka dhigto waaba halaag.

Xadiithkii Ibnu mascuud rc uu Nabigeena صلى الله عليه وسلم  ka wariyay baa waxaa ka mid ahaa:

“وإيّاكم والكذب, فإن الكذب يهدي إلى الفجور,وإن الفجور يهدي إلى النار, وإن الرجل يكذب ويتحرى

الكذب حتى يكتب عند الله كذّاباً”رواه مسلم.

Sidoo kale raacraacida qofka muslimka ah ceebihiisa la raadraadsho, lana dhibo, iyaduna waa danbi wayn oo Allaah looga fogaado, iskaba daa wax kale  waxay ka afinaysaa qofka ama u diidaysaa sifada iimaanka.

“يا معشر من آمن بلسانه ولم يدخل الإيمان قلبه لا تغتابوا المسلمين ولا تتبع وا عوراتهم, فإنه من اتبع عوراتهم, يتبع الله عورته, ومن يتبع الله عورته يفضحه في بيته”رواه أبو داود وغيره

 Maxaad u malaynaysaa kuwa la xamanayo cawraadkooda la daba joogo, tooshkana lagu ifinayo, hadalkii afkooda ka soo baxana la badalayo, suurad uusan lahayna la siinyo  hadday yihiin kuwii Nabi Mohammad صلى الله عليه وسلم dhaxlay, dhaxalkiisana qaybi nayay ? Maxaad u malaynaysaa danbiga laga dhaxlayo culumada ceebayntooda iyo dulmintooda inta uu le’eg yahay? Haddii dadkii mujtaca indhaha u ahaa, diintana u iftiiminayay saan loola dhaqmay, ummada inteedii kale xagee joogtaa, waxaan maqli jiray mas madaxaa laga dilaa! Maxayse tahay u jeedada ka danbaysa musiibadan  dadka qaarkiis  caadada u noqotay? Yay dani ugu jirtaa oon ibliis iyo acwaantiisa ahayn.?

War ka jooga jidkaan waaqarfoo janno kuma tagaysaane

Waa jowr iyo dulmi aan diintaan jaalba la ahayne

Ha jirrabina ruuxdiina wallaan nala jeedin karahayne

Diintaan Allaah baa ballan qaaday inuu xifdinayo”إنّا نحن نزلنا الذكر وإنّا له لحافظون” الرعد:9    culumadaana ugu horraysa dadka Allaah gacmahooda ku xifdiyay diintiisa, waxaa soo raaca inta baranaysa  ee ardayda ah kuna camal falaysa wixii ay barteen, culumadana maqaamkeeda dhigaysa, sidaas daraadeed walaalaha Halgan.net waxaan Allaah u waydiinayaa inuu Ikhlaas ku arzuqo, camalkoodana ka dhigo mid waafaqsan wixii Nabi Mohammad صلى الله عليه وسلم lala soo diray, waana ku bogaadinayaa sida ay mar walba u kashfiyaan beenta laga faafinayo culuma deena ixtiraamka mudan, Allahna waxaan waydiisanayaa inuu barakeeyo culumada, kuna anfaco cilmigooda iyaga iyo ummadda inteeda kaleba, dabigooda dhaafo , kana xifdiyo dhib oo dhan nolol iyo geeriba.

Sidaas si la mid ah waxaan ugu yeerayaa walalaha caadaystay dhaqankan xun iyo xadgudubka culuma iyo dareenka dadka muslimiinta ah, inay Rabbigood u soo laabtaan inta goori goor tahay, kana waan toobaan dulmigaan shaydaanku u qurxiyay, Allaah adoomadiisana u nabad galiyaan, naftoodana u turaan.  Waxaan kale oo ugu yeerayaa walaalahaa intooda cilmigu u bilownaa inay dib ugu laabataan majaalistii cilmiga laga baranayay, culumadana ka faa’iiidaystaan kalana haraan cilmiga ay xambaarsan yihiin, inta aan cilmigu u bilownayna ay qalinka iyo looxa isla doontaan si ay u ogaadan xaqa ay leeyihiin iyo xaqa lagu leeyahay labadaba, Allaahna waxaan u waydiinayaa inuu toobada waafajiyo.

Intaa ka dib dhowrkaan eray oo bogaadin iyo dardaaran hadiyadd u ah Halgan.net.

Halgan net hubaal weeye inaad hiilkii gudateene

Howsha aad haysaan waa mid runtii loo hanwayn yahaye

xaqa yaan la hoosaanine rogow howlkanimo muuja

Beentii la soo halgaadaba qabtoo hiirta ka caddeeya

Ikhlaas baa lagu hodmaaye hubiya howshiinna

Nimankaas fitnadu haysatoo beenta hurinaaya

Raggaas  howdka galay ee xaqii hoos u dhugan waayay

Haybadii culumadu lahayd kuwaas haatan garan waayay

Inay diin u hiillinahayaan ba shaydan kula hadaaqaaye

ha yeeshee anigu ducaan hagar lahyn baan u hibeeyaaye

in Ilaahay soo hanuushaan runtii ku hamminaayaaye

ha hakranina ducada inaad dhabnimo ugu hibaysaan.

cubtanyusuf@yahoo.com

1 Comment so far

Leave a comment

  1. maashaa allaah waa maqaal wanaagsan

Leave a comment

*