Dalalka Soomaaliya iyo Yeman oo maanta Heshiis Iskaashi ah kala saxiixday

September 11, 2013 - Written by Editor

sawir-36Dowladda Soomaaliya ayaa maanta Heshiis-iskaashi ah waxay magaaladda Sanca kula Saxiixatay Dawladda Yemen,kadib kulammo maalmihii lasoo dhaafay ay lahaayeen Mas’uuliyiinta labadda Dawladood oo looga hadlayay iskaashi ay ka yeeshaan dhinacyadda Amaanka, Siyaasadda,Ganacsiga, Dhaqaalaha, Waxbarashadda iyo Arimaha Bulshada.

Heshiiskan oo ay goobjoog ka ahaayeen Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon”Saacid” iyo Ra’isul Wasaaraha Dalka Yemen Mudane Maxamed Saalim Bassanduwa waxaa u kala Saxiixay Wasiiru Dawlaha Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Dr. Maxamed Nuur Gacal iyo Wasiirka Qorshaynta Qaranka iyo Iskaashiga Caalamiga ee Yemen Dr. Maxamed Al-Sacadi.

Heshiiska-Iskaashi ee labada Dawladood ay Maanta ku kala saxiixdeen Sanca waxaa uu xoojinayaa xiriirka taariikhiga ah ee labada dal ay wadaagaan. Waxaana ugu muhiimsanaa arimahan:

1- Iskaashiga dhinaca Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga.
2- Iskaashiga dhinaca Waxbarshada,Dhaqanka, Tacliinta-sare iyo Warbaahinta.
3- Iskaashiga dhinaca Diplomaasiyadda, Nabadgalyadda, Gaashaandhiga iyo Cadaaladda.
4- Iskaashiga dhinaca Arimaha Bulshada iyo Qaxootiga.

Waxaa heshiiskan fulintiisa u xilsaaran Guddi heer wasiir ah oo ay hogaaminayaan Wasiiradda Arimaha Dibadda ee labada dal, waxaana shirarkooda ay ku qabsan doonaan magaalooyinka Muqdisho iyo Sanca.

Waxaa kaloo la isla gartay in heshiiskan ay ka farcami doonaan heshiisyo gaar ah oo u dhexeeya Wasaaradaha kala duwan ee labada dal oo si faah faahsan u qeexi doona iskaashiga labo Wasaaradood oo kasta.

Ridwaan Xaaji Cabdiwali
Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya
Sanca, Yemen
Email:Ridwaanhaji@gmail.com

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online