DFS iyo EU da oo iska kaashanaya dhinaca amaanka badda.[Masawiro]

September 5, 2013 - Written by Editor

8Muqdisho:-4 tii bishan September 2013, meel ka baxsan biyaha xeebta magaalada muqdisho, markab ay leedahay ciidanka bada ee midowga yurub(EU NAVFOR) Atlanta, ayaa lagu maritiqaaday madaxweynaha DFS, Xasan Sheekh Maxamud. Martiqaadkani wuxuu ka dhacay markab ay leedahay dowlada Nederland oo hada ah fadhiisinka ciidanka bada ee midowga yurub ee EU NAVFOR. Markabkan waxa lagu magacaabaa HNLMS Johan de Witt.

Fadhigan waxa ka qayb galay Madaxweynaha, wasiiradiisa iyo taliyayaasha dhinaca amaanka iyo ergayga gaarka ah ee isbahaysiga yurub EU u fadhiya Somaliya, Michele Cervone d’Urso, iyo taliyaha sare ee ciidanka bada ee midowga yurub, Rear Admiral Bob Tarrant,  madaxa hawlgalka dhismaha iyo tayaynta midowga yurub (EUCAP) Nestor, Etienne de Poncins. Waxa laga wada hadlay sida  noocyada kala duwan een farsamo/qalab  ee ay leeyihiin wadamada ku bahoobay midowga yurub taageero uga geysan lahaayeen horumarinta qaab qorshe buuxa oo dhinaca bada oo ay yeelato Somaaliya.

no images were found

Arintani oo lagu asaasay fadhigii u horeeyay oo la qabtay 24 juun, fadhigaas oo ka dhacay markab fadhiisin u ahaa ciidanka bada ee midowga yurub EU NAVAL FORCE. Ujeedada shirkan laga lahaa waxay ahayd abuurista xidhiidh wax wada qabsi oo dhexmara Somaliya iyo midowga yurub, waxa kale oo fadhigani gacan buuxda siinayay shirka  caalamiga ah ee soo socda kuna saabsan ka hortaga budhcad badeeda oo lagu qabanayo Dubay inta u dhaxaysa 11-12 sebtember sanadkan 2013 iyo waliba shirka loogu magac daray “Heshiiska cusub ee Somaliya” oo ka dhici doona Burusel. Waxanu bilaabanayaa 16 Sebtember 2013.. Shirkan waxa uu meelmarinayaa heshiis dhexmara Somaliya iyo beesha caalamka kaasoo qeexaya  siyaasada hogaanka, habka mudnaanshaha la siinayo ee la xidhiidha amniga  iyo habka dhaqan dhaqaale. Ee sanadaha soo socda.

Madaxweyne Xsan Sheekh Maxamuud “Somaliya aad bay usoo dhawaynaysaa wax wada qabsi dhex mara isbahaysiga yurub EU, si  loo hagaajiyo amniga badaha taas oo qayb ka ah hawlgalka balaadhan ee isbahaysiga yurub ka wado Somaliya. Wax wada qabsi dhinaca amaanka baduhu wax uu saamayn muhiim ah ku yeelanayaa horumarinta degaanada xeebaha ee dalkayga. Waxa iga go’an inaan soo bandhigo hoostana ka xariiqo qaab qorshe oo dhamaystiran oo  dhinaca badaha ah inta uu socdo shirka ka dhacaya Burusel.

Ergayga isbahaysiga yurub u fadhiya Somaliya Michele Cervone d’Urso waxa u yidhi “Arintani waxay mar labaad cadayn u tahay sida ay uga go’an tahay midowga yurub inay garab istaagaan Somaliya sidii ay u gaari lahayd degenaansho iyo nabadgelyo.  Inta uu socdo shirka loo balansan yahay ee “Heshiiska cusub ee Somaliya” ee magaalada Burusel.  Taageerida hayadaha amaanka ee Somaliya oo amaanka baduhu ku jiraan waxay xaga sare ka galaysaa ajendaha shirka”

Si loo taageero madaxda Soomaaliyeed sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen awoodooda la xidhiidha la dagaalan ka burcad badeeda iyo dhaqdhaqaayada kale ee sharci darada ah ee inta ka baxsan biyaha xeebahooda. Sidoo kale markabkan laga leeyahay Nederland ee fadhiisinka u ah EUNAVFOR ciidanka midowga yurub wuxuu marti galiyay Siminarka ay bixinaysay EUCAP Nestor oo ah falal dambiyeedka dhinaca badaha, waxa kale oo qayb ka ahaa dhoola tus ay goob joog ka ahaayeen wafdiga Soomaalida ahi. Wafdigani wuxuu ka koobnaa garyaaqanada dawlada, xaakimo, saraakiil  ka tirsan ciidanka bada.  Waxayna halkaas ku daawadeen dhoolatus la xidhidha habka doomaha loo adeegsado burcad badeednimada looga hortago, qaabka ciidamadu u fuulaan doonta looga shakiyay inay wataan burcad badeed iyo habka burcada loo xiro, qaabka cadaymaha loola wareego iyo baarista la xirrirta dambigaas.

Isaga oo ka hadlaya seminaarkaa Etienne de Poncins, madaxa wafdiga EUCAP nestor, waxa u yiri ”Dhacadan ay ku jirto dhoola tuska lagu soo bandhigay markabkan laga leeyahay Nederland ee fadhiisinka u ah ciidanka midowga yurub ee bada waxay muhiim u tahay macno weyna ugu fadhidaa sidii nidaamka maxkamadaha ee dalka Somaliya iyo booliskuba uga hortagi lahaayeen si wax ku ool ah  budhcad badeednimada iyo qaababka kale ee sharcidaradaha si loo hormariyo amniga badaha
ee gobolkan geeska afrika.”

DHAMAAD
Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow), 

Senior Advisor& Spokesperson to
the Office of the President

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online