Dowlada Federaalka Soomaaliya oo shirkad ka socta Turkiya ku wareejisay Garoonka Aden Cadde.

September 15, 2013 - Written by Editor

Muqdisho:-Waxaa maanta ay DFS ay si rasmi ah ugu wareejisay garoonka Diyaaradaha ee Aden Cadde shirkad cusub oo laga leeyahay dalka Turkiga oo la yiraahdo Favori waxaana xaflada goobjoog ka ahaa masuuliin ka tirsan DFS.

Wasiirka warfaafinta Boostada iyo isgaarsiinta Dowlada federaalka ee Soomaaliya C/laahi Ciilmooge Xersi ayaa warbixin kooban siiyey warbaahinta isaga oo ku sugan garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho wuxuuna sheegay in shirka Favori ay si rasmi ah ula wareegtay adeega garoonka Diyaaradaha ee Aden Cadde.

Dhanka kale Wasiirka warfaafinta ee DFS ayaa si adag u beeniyey warar lagu faafiyey warbaahinta ka howlgasha magaalada Muqdisho iyaga oo sheegay in wasiirku uu diidan yahay in shirkadii SKA laga wareejiyo adeega ay ka haysay garoonka Diyaaradaha wuxuuna ku tilmaamay warkaas mid aan sal iyo raad toona aan lahayn.

Shirkada SKA ayaa mudo dhowr sano ah waxay gacanta ku heysay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho waxaana maanta kala wareegay shirkada SKA shirkad cusub oo laga leeyahay dalka Turkiga oo la yiraahdo Favori

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online