Golaha wasiirada DFS oo ka shiray weerarkii ay Al-shabaab ku qaadeen Westgate Mall.[Masawiro]

September 23, 2013 - Written by Editor

1Muqdisho:-Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa caawa isugu yimid shir aan caadi ahayn, iyadoo uu shir gudoominayay Ku simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Kheyraadka Dalka Cabdirisaq Cumar Maxamed waxaana shirka looga hadlay Arrimaha Amniga dalka iyo weerarkii Argagaxisadu ka gaystay goob laga dukaamaysto oo ku taala magaalada Nairobi.
Ugu horayntii Golaha Wasiirada waxay tacsi tiiraanyo leh u  direen Ehelkii iyo Qaraabadii uu ka geeriyooday Marxuum Xuseen Cabdislaam oo ka tirsanaa golaha Baarlamaanka oo shalay kooxo hubaysin ku dileen xaafada Buulo Xubeey.

Dhanka kale ku simaha Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in kooxda nabad diidka ah  looga adkaan karo oo kaliya in shacabka iyo dowladu wada shaqeeyaan. “Alshabaab ugxantooda waxay taalaa Soomaaliya, waxaana looga adkaan karaa iyadoo lagu taageero dowladda Soomaaliya qorshaha ay u dajisay la dagaalankooda, waana in iskaashi dhan kasta ah laga sameeyo sidii loola dagaalami lahaa kooxdaan” ayuu yiri kusimaha Ra’iisul Wasaaruhu.

Markuu soo idlaaday shirka ayaa waxaa saxaafada la hadlay wasiirka Gashaandhiga Cabdixakiim Xaaji Fiqi isagoona faahfaahin ka bixiyey qodobada shirka looga hadlay “Xukuumadda Soomaaliya iyo Shacabkeeda oo isku duubaan waxay aad u cambaaraynayaan weerarkii axmaqnimada ahaa ee lagula kacay dadka shacabka ah, waxayna tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaski iyo qaraabadii dadkoodu ku wax yeeloobeen weerarkaas, waxay sidoo kale xukuumadda Soomaaliya u muujinaysaa  dowladda Kenya sida ay u gabar taagan tahay ulana qaybsanayso murugada ka dhalatay weerarka waxashnimada ah ee ay soo qaadeen kooxda argagaxisada Alshabaab oo caado ka dhigtay in ay  bartilmaameedsadaan dadka nugul oo an hubaysnayn” Ayuu Yiri wasiirka gaashaan dhiga oo dhanka kalana xusay in khatarta joogtada ah ee ay ku hayaan kooxaha nabad diidka ah Soomaaliya iyo dalalka dariska ah.

no images were found

Waxayna  u muuqataa mid ku sii fidaysa caalamka intiisa kale, wayna adagtahay in laga hortago hadii aan si dhab ah dowlada Soomaaliya loogu taageerin dhismaha ciidamada qalabka sida. Sidoo kale golaha wasiirada ayaa ka dooday dhibaatooyinka ka dhalan kara weerarada noocaan ah, waxayna soo jeediyeen talooyin ku aadan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Kenya. Waxaa kale oo golaha Wasiiradu  go’amiyeen: In loo diro Kenya Wafti heer wasiir ah oo qaada dhambaalka shacab ka iyo kan dowladda, si loogu muujiyo shacabka iyo dowlada Kenya sida ay ula qaybsanayaan dhibaatada dhacaday.

In loo tacsiyeeyo dowalda Kenya iyo dowladaha kale ee ay dadkoodu ku dhinteenWaxaa Goluhu Baaq u dirayaa shacabka Kenya, iyadoo loo muujiyanayo in Argagaxisada caalamka aysan u kala socnayan dhibaataynta shacabka aan waxba galabsan wadankuu doono ha u dhashee.

In iskaashi dhan kasta ah laga sameeyo sidii loo wiiqi lahaa awooda kooxaha Argagaxisada ah In shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Kenya is dajiyaan, una muujiyaan wada shaqayn buuxda dowladda iyo shacabka reer Kenya Golaha wasiirada ayaa sidoo kale ka hadlay arrimaha amniga iyagoona soo dhaweyey guulaha ay gaareen ciidamada qalabka sida iyo goobhii ay dhawaan kala wareegeen kooxaha nabad diidka ah. Waxay sidoo kale Goluhu baaq u direen Hay’adaha samafalka inay  la soo gaaraan dawooyin iyo cunto dadka ku waxyeeloobay  fatahaada Wabiga oo khasaaro xoogan gaarsiiyey tulooyin ku xeeran magaalada Jowhar.

Communication Office
Mogdisho-Somalia
media@opm.gov.so

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online