Islaamnimada Soomaalida yaa diidan? W/Q Sh Axmed Cabdisamad
September 11, 2013 - Written by EditorSoomaalidu waa muslimiin 100%, dalka Soomaaliya-na kama jiraan diimo aan ahayn tan islaamka. Ninkii isagu gaalooba oo diinta islaamka ka riddoobana xaqiiqadaas waxba ka badali karo.Arrintaasna waxay ka mid tahay qodobada ugu muhiimsan ee ay isku hayaan culumada dalka Soomaaliya iyo Xarakada Al-shabaab. waxa keenay in culumada iyo dadweynuhuba qaylodhaan afka ku shubtaan waxaa weeye sheegashada Al-shabaab ee oranaysa: maamulada Soomaalida iyo inta ku hoosnool waa gaalo, qabiilo hebla waa gaalo, suufiyadu waa gaalo, jamaacooyinka islaamigu waa gaalo iwm, taas oo macneheedu yahay dalku waa dal gaalo, dadkiisuna waa wada gaalo. Waxaa sii caddaynaya toogashada, qarxinta, weerarka, qixinta iyo dhaca ay ku hayaan Soomaalida.
Ma dhici kadhaa in Xarakada Al-shabaab doonayso inay buriso xaqiiqadii Soomaali oo dhan isku raacsanayd oo ahayd Soomaali waa muslin 100%, taas oo xanuujinaysey kaniisado iyo dowlado farabadan?. Kolley ficil ahaan shacabka sidii gaalo way ula dhaq maan, cod ahaan iyo qoraal ahaana way ku sheegaan inay gaalo-yihiin laakiin hal mar gaalnimada ma wada huwiyaan ee qayba mar ayay gaalnimada ku xukumaan, axkaamta gaaladana ku fuliyaan. Waxaase hubsasho u baahan in qasadkoodu yahay in soomaaliya loo aqoonsado dal gaalo; si ummado gaalo ah xaq ugu yeeshaan.
Gaalada qaarkeed waxay isku dayaan inay muujiyaan in aysan Soomaalidu 100% muslimiin ahayn laakiin 98% ama 95% ayay ku sheegaan gaalada ay inagu ka kabinayaan halka Xarakada Al-shabaab ay si kala gaar gaar ah u wada gaalaysiiso Soomaalida oo dhan!
W/Q Sh Axmed Cabdisamad