Khudbadii Madaxweyne DFS uu ka jeediyay xarunta Qaramada Midoobay.[Daawo]
September 27, 2013 - Written by EditorMadaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sh.Maxamuud ayaa waxaa uu khudbo dhinacyo badan taabanasa uu ka jeediyay fadhiga 68aad ee Qaramada Midoobya waxaan uu madaxweynuhu sheegay in guul ay u tahay in markii ugu horeysay ilaa intii loo doortay madaxweynaha DFS uu hadal ka jeediyo xarunta Qaramada Midoobay oo uu ku amaanay taageerada ay u fidisay dowladda Soomaaliya.
Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu khudbadiisa ku bilaabay sidda uu uga xun yahay weerarkii ay ururka Al-shabaab ku qaadeen xarunta ganacsiga ee West Gate ee magaalada Nariobi isagoo weerarkaas ku tilmaamay mid aragagixiso ah sheegayna in dowladdiisu ay falkaas cambaaraysay ugana tacsiyeysay dowladda Kenya iyo shacabkeeda.
Madaxweyaha DFS ayaa sheegay in weerarkaas ay geysteen Al-shabaab ama Al-Qaacid ay cadayn u tahay in ururka Al-qaacid/Al-shabaab uu khatart ku yahay nabad dalka Soomaaliya iyo caalamka lana doonayo in si wada jir ah loola dagaalo. Madaxweyanaha DFS ayaa waxaa uu xusay in ururka Al-shabaab ama Al-qaacid ay wiiqan tahay awoodoodii balse ay weli jirto khatar ka imaan karta sidaas darteedna looga baahan yahay caalamka in dowladda Soomaaliya gacan laga siiyo.
Madaxweynaha DFS Xassan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay in Al-shabaab aan looga adkaan karin oo kaliya awood ciidan balse la doonayo in lagala dagaalo dhinac dhaqaalaha , saxaafada iyo fikriga. Dhinac kale Madaxweynaha DFS Xassan Sh.Maxamuud ayaa sheegay in dowladdiisu ay soo dhaweysay shirkii ka dhacay Brussels oo beesha caalamku ay dhaqaalo fara badan u balan qaaday Soomaaliya arrinkaas oo xusay in la doonayo in fulo.
Madaxweynaha DFS oo khubadiisa ku soo qaaday nidaamka Federaalka hirgelintiisa ayaa waxaa uu xusay in dowladdiisu ay talaabo la taaban karo ay ku talaabsaday oo ay ugu horayso hishiiskii ay la gashay Puntlland iyo Maamulka Jubba iyo wada hadalo ay kula jiraan maamulka S/lland iyo dadaalka ay dowladdiisu ku bixisay goboladda dalka Soomaaliya si loo gaarsiiyo siyaasada dowladda. Halkaan khudbada madaxweynaha DFS Xassan shiikh Maxamuud oo qoraal ah
Hoos ka Dhagayso Khudbadii Madaxweynaha DFS Ka jeediyey Xarunta Qaramada Midoobay
A/cawaale
Halgan.net