Ku simaha Madaxweynaha iyo Wafdi sare uu hogaaminayo oo si weyn loogu soo dhaweeyey Baydhaba
September 18, 2013 - Written by EditorKu simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo wafdi sare oo uu hogaaminayo ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay. Wafdigan oo ay garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho kusoo sagootiyeen Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka Mudane Jeeylaani Nuur Iikar, Raisulwasaaraha Xukuumadda Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid),xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada,Xildhibaanno iyo taliyeyaasha Ciidammada Booliiska iyo Nabad Sugidda waxaana garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyey Odayaasha dhaqanka,waxgarad,siyaasiyiin,dhalinyaro,haween iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan gobolka Baay.
Soo dhaweyntaasi kadib Ku simaha Madaxweynaha Dalka ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari waxa uu kulan kooban si wadajir ah ula qaatay Xildhibaannada Baarlamaanka ee ku abtirsada gobollada Koonfur Galbeed Soomaaliya,malaaqyada,waxgaradka iyo nabaddoonnada gobolladan ayadoo ugu horeyn xubno u hadlay waxgaradka oo kulanka ka hadlay ay uga mahad celiyeen Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdiga ballaaran ee la socda sida ay ugasoo jawaabeen u yeeristooda.
Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Gudoomiyaha Baarlamaanka ahna ku simaha Madaxweynaha oo kulanka khudbad kooban ka jeediyey ayaa ugu horeyn uga mahad celiyey qeybaha kala duwan ee bulshada reer Baydhaba sida qiimaha leh ee ay wafdigiisa usoo dhaweeyeen waxaana uu sidoo kale usoo gudbiyey odayaasha dhaqanka salaan uu uga sido Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu sheegay in markii uu u sheegay safarkiisa Baydhabo uu isna Ballan qaaday inuu imaan doono kolka ay odayaasha dhaqanku u yeeraan.
Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa ku tilmaamay fursad muhiim ah in dhammaan xubnihii gobolladan uga jiray Dowladda oo isku duuban islamarkaana far kaliya ah ay maanta soo hor fariistaan Odayaasha dhaqanka ee soo xulay waxaana uu dhanka kale ka hadlay arrimaha gobolladan oo uu xusay in Odayaasha Dhaqanku ay yihiin kuwa iska leh goaanka ugu dambeeya,sidoo
kalena waxa uu Gudoomiyaha Baarlamaanka xusay iney lagama maarmaan tahay talaab walba oo la qaadayo iney noqoto mid aanay ka hor imaan dastuurka KMGka ah ee Dalka islamarkaana aanay wax u dhimeyn jiritaanka dowladnimada.
Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in maalinnimada berri ah uu dhici doono kulan aad u ballaaran kaasi oo ay u wada dhammaan doonaan dhinacyada kulankii maanta ka qeybgalay waxaana wafdiga uu hogaaminayo ku simaha Madaxweynaha ka mid ah xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo 50 Xildhibaan.
—DHAMAAD—
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Gudoomiyaha Baarlamaanka
Media & Public Relation Office Of Speaker
Email:- Media@parliament.gov.so