Maamulka KMG ee Jubba oo magaalada Kismaayo caawa bandhow ku soo rogay

September 10, 2013 - Written by Editor

kismaayoKismaayo:-Wararka naga soo gaaraya caawa magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose ayaa sheegaya in caawa maamulka KMG ee Jubba uu ku soo rogay magaalada Kismaayo Bandow.Galabta ilaa caawa ayaa waxaa magaalada lagu arkay ciidamo wata hubka kala duwan oo gaaf wareegaya xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Kismaayo waxaana gabi ahaan la xiray Shirkadihii isgaarsiinta ee ka howlgali jiray magaalada. Qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Maamulka KMG ee Jubba oo la hadlay saxaafada ayaa ugu baaqay dadweynaha iyo shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo in ay u hogaansamaan bandowga caawa lagu soo rogay magaalada Kismaayo.

Warar lagu kalsoonyahay oo ay heshay Halgan.net ayaa sheegaya in ciidamo taabacsan siyaasiyiin ka soo horjeeda Maamulka KMG Jubba iyo ciidamo ka tirsan Al-shabaab ay labo dhinac ka joogaan magaalada lagana baqayo in dagaal uu ka qarxo duleedka magaalada Kismaayo ka dib markii ay ku so dhawaadeen lana  arkayo ciidamo ka tirsan maamulka KMG ee Jubba oo ku baxay duleedka Kismaayo.

Dadweynaha ku dhaqan magaalada Kismaayo ayaa dhagta u taagaya halka ay ku biyo shubato xaalada magaalada Kismaayo oo ay mudo dheer ka socdeen dagaalo u jeedo badan ah.

Cabdi Yare
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online