Maan gaal dhahaa amaan gafaa?!!!.W/Q Sh.Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur

September 6, 2013 - Written by Editor

fuaadOday reer Warshiikh ah oo ragga shiribka looga haray ah ayaa wuxuu goob joog ka noqday meel uu wiil kuray ah oo afka ka aburinaya uu ka khudbahnayo, gabanku wuxuu wataa koox dableey ah oo isaga ka amar qaadata, wiilkii wuxuu si xanaaq ku jiro u leeyahay ninkii xeryaha ciidamada ajnabiga ah ka ag guuriwaaya waa dil!, gabadhii shaah ka iibisa askarta dawladda riddada ah waa dil!, ninkii aan jihaadka soo raacin waa dil!, yarkii ummaddiiba dil ayuu isugu geeyay!.

Odaygii oo yaabban ayaa yarkii yiri askartu waa gaalo, madaxweynuhu waa gaal, wasiirradu waa gaalo, xubnaha baarlamaanku waa gaalo, hadhoow baa la oran doonaa masjidka illinkiisa ayaa lagu dilay!!, quraan buu akhrisanayey!!, wallaahi hadduu salaad ku jiro waa dilaynaa!!. Odaygii oo amakaag ku dhacay ayaa yiri (yaaya xaa ku been ah ma qof salaadda dukaaya aa gaal ah!!, dhiig fadhiya ha ku galo wallee I dambaajimaysid!!), markaas ayuu odaygii shirib kaan aan qaybtiis cinwaanka ka dhigtay ku dhuftay oo wuxuu yiri.

Nin salaad galaaya yoon gashoow
Maan gaal dhahaa amaan gafaa?.

Odaygu wuxuu ogaa ayadoo salaaddu tahay tilmaanta ugu mudan ee qofka muslinka ahi leeyahay, wuxuu cilmi dhegood ku qabaa in aan ahluqiblaha dhayal loo gaalaysiin, tan kale wuxuu aad ula yaabay wiilka yaraantiisa iyl indha adaygiisa!!, sidaas darteed wuxuu dareenkiisii ku cabbiray shiribkaan oo macnihiisu yahay nin maalin walba salaad galaya oo tukanaya haddaan iraahdo waa gaal armaan gafaa oo aan dambaabaa.

Waxaan maqli jirag beladu daaman la qabto ayeey leedahay ee dabo la qabto ma leh!!, waana midda sababtay in si bareer ah loo laayo horfiiqdii kooxdaan, waa midda keentay in raggii firxaday midiba meel giraan ka soo duubo oo dadka hawada u soo mariyo, in shirqoolladii shalay lagu midaysnaa maanta lagu kala tago oo midiba mid eedda dusha uga tuuro, ilaa raggii madaxda firxatay ahaa ay qirtaan in kolxdoodu disbahay labadii sheekh ee waaweynaa AUN Sh.C/qaadir iyo Dr.Axmed!!, taas oo awalba idka caddayd laakiin aad mooddo in mucjisooyin layna tusayo,

Waa baan oday waxaan ka maqlay niman afar ah baa sheekh socdaal ah inta ay dileen oo xoogaagii sahayda u ahaana qaateen ayey rag Allabaryaya oo geed harweyn fadhiya u yimaadeen markay bariidiyeen raggii geedka fadhiyey ayaa Alle futadoodii ka dalqamiyey oo waxay tiri ha waraysanina sheekh hebel bay soo dileen oo halkaas ku soo aaseen, raggii waxay xirxireen afartii dhagar qabe waxaana rag dheereeya loo diray meeshii raqda sheekha lagu sheegay mise waa run afartiiba bartiibaa la dhigay ayuu yiri odaygii!!, waa sheeko khayaali ah laakiin waxaan maanta u jeedno ayaaba tii iila ekaaday!!!.

W/Q Sh.Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online