Madaxweynaha DFS oo gaaray magaalada Washington DC ee dalka Maraykanka

September 20, 2013 - Written by Editor

IMG_5946Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo ay weheliyaan R.W. Ku Xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Fowziyo X. Yusuf Adam iyo Wasiirka Maaliyadda Maxamuud Xassan Suleyman, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Faarax Cabduqaadir iyo La Taliyeyaal khaas ah ayaa maanta soo cagadhigtay  magaalada Washington DC ee dalka Maraykanka, halkaas oo ay kula kulmi doonaan madax sare oo ka tirsan dowladda Maraykanka.

Safarkan ayaa Madaxweynaha muhiimaddiisa koowaad ay tahay inuu kala xaajoodo kuna dhiiri gelyo sidii loo kordhin lahaa taageerada uu dalka Maraykanku ka siiyo Soomaaliya dhanka Difaaca, Amniga iyo Horumarinta sidii Nabad waarta looga dhalin lahaa guud ahaanba Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan ayaa wuxuu la kulmay Senator John McCain ee Arizona iyo Xildhibaano wuxuuna kala hadlay qaabka dowladda Maraykanaka ay Soomaliya uga saacidi laheyd dib u habeynta hey’adaha dowliga. Maraykanka ayaa ka mid ah dalalka taagero dowladda Soomaaliya.

 Communication Office
Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online