Madaxweynaha DFS oo ka qeybgalay Kalfadhiga baarlamaanka DFS

September 10, 2013 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furay Kalfadhiga Seddexaad ee Golaha Shacabka ayadoo Madaxweynahana uu Baarlamaanka ka hor akhriyey waxyaabaha u qabsoomay Mudada sanadka ah ee uu xilka hayo. Munaasabadda furitaanka Kalfadhiga Seddexaad ee Golaha Shacabka oo aheyd mid si heer sare ah loosoo agaasimay ayaa waxaa kasoo qeybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda ,Gudoomiyaha Baarlamaan ka iyo ku xigeennadiisa,Ku simaha Ra’isulwasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda, Xildhibaanno,xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada,taliyeyaasha Ciidammada Qalabka Sida qaarkood iyo fanaaniin taariikh weyn ku leh fanka Dalkeenna oo iyagu Munaasabadda kusoo bandhigay suugaan qiimo leh.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo khudbaddii ugu horeysay ee Munaasabadda jeediyey ayaa yiri “Inkastoo Baarlamaanka uu gu’ jirsaday hadana guullo badan ayaa la gaaray waxaana mahadaas iska leh Alle ka sokoow Xildhibaannada Golaha Shacbiga oo iyagu waajibaadkooda shaqo u gutay si hufan,guulaha la gaarayna waxaa ugu horeeya hindise sharciyeedyadii faraha badnaa ee  Baarlamaanku ansixiyey”.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane MaxamedSheekh Cismaan Jawaari ayaa Madaxweynaha ugu hambalyeeyey gu’ jirsigiisa maadaama ay maanta ku beegantahay sanad kadib markii loo doortay xilkan waxaana uu Alle uga baryey inuu u fududeeyo mas’uuliyadda saaran oo ah mid aad u culus.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa sidoo kale ka hadlay himilooyinka la hiigsanayo mustaqbalka oo ay ugu horeeyaan dhameystirka Dastuurka KMGka ah oo la gaarsiiyo heer ay dadweynuhu u codeeyaan iyo in dalka ay ka dhacdo doorasho xor ah bisha September sanadka 2016ka taasina la gaari karo hadii si isku duubni ah loo wada shaqeeyo sidoo kalena Gudoomiyaha Baarlamaanka waxa uu u mahad celiyey Gudoomiyeyaasha degmooyinka Howlwadaag iyo Warta Nabadda oo ku ammaanay doorka muuqda ee ay ka qaateen dayactirka xarunta Golaha Shacabka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo munaasabadda ka jeediyey khudbadiisa dastuuriga ah ayaa ugu horeyn ku tilmaamay taariikh lama ilaabaan ah oo aanay cidina qarin Karin sida Baarlamaanku u shaqeeey mudada sanadka ah ee uu jiro gaar ahaanna kalfadhiyadii lasoo dhaafay, taasina ay tahay wax aad loogu farxo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Baarlamaanka ka hor akhriyey waxyaabaha u qabsoomay mudada sanadka ah ee uu xilka hayo waxaana uu xusay in waxbadan la qabtay waxyaabahaasi la qabtayna ay ku hirgaleen isku duubnida iyo wadashaqeynta hay’adaha Dowladda,sidoo kalena waxa uu Madaxweynaha ka hadlay hormarrada laga gaaray dhinacyadada ammaanka, ku baahinta nidaamka dowliga ee gobollada Dalka,xiriirka dibadda,la dagaalanka musuq maasuqa, ku qancinta dalalka caalamka in Soomaaliya ay dhaqaale ku taageeraan isagoo Baarlamaankana uga hor mahad celiyey dowladaha Turkiga iyo Norway oo noqday dowladihii ugu horeeyey ee Soomaaliya toos qasnadeeda dhaqaalle ugusoo shuba iyo xasilinta Dalka oo uu Madaxweynuhu xusay in guul laga gaaray maadaama kuwa xadgudubyada geysan jiray la horgeeyey Cadaalladda oo ciqaab adag la mariyey taasina ay keentay iney yaaraadaan falal uu kufsiga ka mid ahaa.

Ugu dambeyntii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa aad u bogaadiyey sida ay Xildhibaannada Golaha Shacabka gacan uga geysteen ku baahinta dowladda ee gobollada Dalka maadaama ay Xildhibaannada Baarlamaanka safarro shaqo ku tageen gobollada Dalka ayagoo khatar u bareeray, waxaana uu Madaxweynaha Baarlamaanka u rajeeyey guul.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo kulanka soo xeray ayaa Xildhibaannada Baarlamaanka ee safarrada shaqo ugu kala maqnaa dalka gudihiisa iyo dibaddiisa ku amray iney kusoo gudbiyaan mudo Laba cisho ah warbixinnada ay kasoo ururiyeen goobaha ay safarrada shaqo ku kala bixiyeen si baahida ay shacabka kasoo qaadeen loogu gudbiyo cida wax ka qaban karto.

—DHAMAAD—
Email:- Media@parliament.gov.so

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online