Madaxweynaha DFS oo la kulmay madaxda Jaamacadda Ohio State University

September 24, 2013 - Written by Editor

2Ohio:-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta kulan la yeeshay madaxda Jaamacadda Ohio State University iyo qaar ka mid ah Xildhibaanada gobolka Ohio ee dalka Maraykanka.Kulankaas kadib ayaa Madaxweyne Xasan Shiikh waxa uu khudbo ka jeediyey Glenn School of Public Affairs oo qeyb ka ah Jaamacadda Ohio, halkaas oo ay goobjoog ka ahaayeen dad dhaafaya 250qof. Jaamacadda Ohio ayaa ka mid ah jaamacadaha ugu waaweyn ee dalka Maraykanka si weyna loo qadariyo.

Khudbadan oo socotay ilaa iyo 40daqiiqo ayaa Madaxweynahu wuxuu sheegay in Waxbarashadu ay tahay lama huraanka nolosha ayna haboon tahay inaan marnaba laga harin. Madaxweyne Xasan ayaa ka waramay xaaladda nabadgelyo, siyaasad, dhaqaale iyo waxbarasho ee dalka Soomaaliya wuxuuna kula dardaarmay dhallinyarada Soomaaliyeed ee dhigata Jaamacadda Ohio inaysan hilmaamin dalkooda Hooyo ayna muhiim tahay inay kusoo noqdaan markay waxbarashadooda dhamaystaan isbedel fiicanna ka sameeyaan.

Mahadnaq gaar ah kadib wuxuu Madaxweynuhu ku booriyey madaxda Jaamacadda Ohio inay dhanka waxbarashada ka caawiyaan dalka Soomaaliya.

Communication Office
Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online